Sirta ka dambeysa Farxadda Guurka oo la shaaciyay

Cilmi baarayaasha jaamacadda Florida State University, ayaa helay sirta ka dambeysa farxadda guurka mana ahan inaad iibsatid hadiyado qaali ah.

Sida laga soo xigtay cilmi baarayaasha, sirta ka dambeysa farxadda guurka ayaa ah hurdada wanaagsan ee habeenkii.

Baarayaasha ayaa ku andacooday in inaad hurudid 8 saacaddood habeenkii ay ka micno tahay inaad iska ilaalisid waxyaabaha dhibaatada u keenaya xiriirka isla markaana aad diiradda saartid sawirka wanaagsan ee xiriirka.

Baaritaanka ay sameeyeen cilmi baarayaasha oo lagu daabacay wargeyska lagu magacaabo the Journal of Family Psychology, ayaa lagu sheegay in Hurdada ay gacan weyn kageysato socoshada shaqada qeybta maskaxda ee kuxiran foolka hore ee wajiga taasoo ah qeybta usuurto galisa maskaxdu iney is hagto.

Lamaaneyaal gaaraya 68 ruux oo ah kuwo dhawaan aqal galay  ayaa waxa ay cilmi baarayaasha weydiiyeen xasuus qorka sida ay dareemeen guurkooda iyo sida ay saameyn ugu yeelatay muuqaalka guud ee xiriirkooda hurdada.

Baarayaasha ayaa waxa ay sidoo kale isku geeyeen awoodda qanacsanaanta dhanka galmada ee lamaanaha iyo saameynteeda, waqtiga la isla qaatay, niyadda lmaanaha iyo sida laamanayeyaasha ay u xaliyeen muranka, waxana arrintaan lagu baaray iyadoo la isticmaalayo qalabka Cabirka Qanacsanaanta Guurka.

Baarayaasha ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in seeyga ama ninka uu waxbadan ka faa’ido hurdada saxda ah ee habeenkii.

“Huradada waa wax wanaagsan oo saameysa qanacsanaanta guurka,” ayuu yiri Cilmi Baare.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button