Siyaabaha Lagu Xakameeyo Walaaca Lasoo Gudboonaada Lamaanayaasha

Walaaca waa arrin si weyn u saameysa xiriiro badan. Walaaca wuxuu dhibaato badan kuu hayaa guurarka lamaanayaal badan taasoo ay sabab u tahay xakameyn yari.

Dadka waa inay bartaan sida loo xakameeyo si xiriiradooda ay u xoojiyaan isla markaana ay uga dhigaan guurkooda mid caafimaad qab ah.

Halkaan ka aqriso  qaar kamid ah hababka loo xakameeyo walaaca xiriirka.

  1. Wanaagga xoogga saar

Haddii walacaagu ku saleysanyahay guur kadib waxaa u baahantahay inaad diiradda saarto quruxda si aad uga gudubto walaaca. Iska illoow dhammaan waxyaabaha xun ee aad ku wajaheyso xiriirka adigoo maskaxda gelinaya waxyaabaha wanaagsan ee kaa farxiya.

Xiriir walba ama guur walba wuxuu leeyahay qurux taasoo loo baahanyahay inaad xoogga saartid.

  1. Wadahadal iyo xiriir

Xiriirka wax ku oolka ah ee guurka waa muhiim. Mar kasta oo aad walaac dareento, waa muhiim in lmaanahaaga aad la wadaagto waxa ku walaacinaya.

Markaad u sheegto lamaanahaaga waxa walbahaarka kugu haayo, qaabkaas wuxuu kaaga caawin karaa isaga/iyada inaad inaad la dagaalanto waxa walaaca kugu haayo.

  1. Waqti wanaagsan la qaado

Sameynta waqti aad la qaadato lamaanahaaga waa arrin aad muhiim u ah. Wada qaadashada waqti wanaagsan waxay lamaanaha ka caawisaa inay fikradohooda wadaagaan isla markaana ay sameeyaan xasuusyo wanaagsan.

Sidoo kale waxay lamaanaha ka saacidaa inay iska iloobaan dhibaatooyinka jira.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button