Waxyaabaha Aad Sameyneyso Haddii Gacalisadaada Ay Kaa Tagto Ama Ku Nacdo

Shaki kuma jiro in furriinka uu xanuunyahay balse rumeyso inaad caadi noqoneyso sida ugu dhaqsiyaha badan. Mararka qaar xanuunka aad buu u badanyahay iyo fikirka ah inaad lumisay gacalisadaadi ayaa ah mid kicineysa maskaxdaada isla markaana adkeyneysa inaad si cad u fikirto.

Waxaad dareemeysaa ceeb xad dhaaf ah hadana waxaad dareemi kartaa in adduunyadaadi ay isbedeshay. Dareenkaan ayaa waxaa sidoo kale wehliya fikirka ah inaad lumisay sharaftaadi.

Si kastaba ha noqotee, si waliba uu dareenkaas iyo fikirkaas ay kuula muuqan karaan inay xunyihiin waa inaad eegtaa dhanka wanaagsan isla markaana aad isku sheegtaa in wax waliba ay hagaagi doonaan.

Haddii aad aragtay furriin noocaan ah oo soo socda iyo haddii kale, xanuunka ayaa wali noqonaya mid aanan loo adkeysan Karin. Laakiin, warka wanaagsan ayaa ah maadaama aad adiga tahay qofka ay waxaas oo idil ay ku dhacayaan, waxaad leedahay ikhtiyaar walba marka la eego sida looga jawaabayo ama looga falcelinayo xaalada noocaas ah.

Maskaxda ku haay inaad ilaashato sharaftaada intii suurogal ah. Waad ogtahay in gudaha aad ka dhaawacantahay balse qoftaadi hore waa inaysan sidaas kuu arkin.

Madaxaaga kor u haay oo is adkeey, yaanan lagaa dareemin inaad tahay qof liita oo ay xanuun ku heyso diidmadii ay ku sameysay gacalisadiisa.

Aayaha.net – Hoyga Arrimaha Bulshada, Ku Xirnoow Mar Kasta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button