Talooyin Kaa Caawinaya Inaad Ilaaliso Guurkaaga Kana Dhigto Mid Guuleysta

Qof kasta wuxuu ka fekeraa sidii uu uheli lahaa jacayl daacad ah, qof ay nolol farxad iyo jacayl leh wadaagaan inta noloshooda ka harsan.

Si kastaba ha noqotee, ilaalinta guurka iyo jiritaankiisa ma ahan wax sahlan maadaama uu u baahanyahay ilaalin iyo dadaal farabadan si shumaca guurkaas u iftiimo isla markaana uusan u damin.

Sideed arrintaan u sameyn kartaa? Waa su’aasha aad isweydiineyso, talooyinka hoos ku yaal ayaana kaa caawinaya inaad guurkaas sii waddo muddo dheer.

Ka shaqeey guurkaaga

Isku day Inaad maalin kasta guurkaaga kusoo kordhiso wax muhiim ah oo anfacaya isla markaana hormarinayo.

Noqo lamaane kalgacayl leh oo u dir xaaskaaga ama seygaaga farriimo jacayl oo macaan sidaad ugu diri jirtay farriimahaas xilligaad shukaansan jirtay oo kale.

Si xun wax u fahmid

Waxaad mararka qaar kugali kara dareen ah inaad tahay qofka kaliya ee guurka wax u qabta. Looma baahna inaad sidaas u fekerto ee waxaa lagaa doonayaa inaad horey usii wadid wax u qabashada guurka.

Ha eegin lamaanahaaga maadaama uusan wax u qabaneyn sidii loo baahnaa. Wax kasta way hagaagi doonaan oo guurku wuxuu noqon doonaa mid guuleysta, sidoo kale waxaad imaan doona waqti uu lamaanahaaga guurka wax ugu qabto si qurux badan.

Waqti farxadeed

Israaca oo isla soo socda. Magaalada isku raaca oo soo wada casheeya. Waliba cashadu waxay wanaagsantahay markaad xaaskaaga soo wacdo iyadoo aanan fileyn isla markaana aad ku wargeliso inaysan maanta casho sameyn isla markaana aad magaalada kasoo wada casheyneysaan.

Waxyaabahaan yar yar dad badan ayaa u heysta waxaan micno lahayn, balse waxaa xaqiiqo ah inay isku soo dhoweeyaan lamaanaha isla markaana xiriirka ay ka dhigaan mid waara.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Back to top button