UGAAR AH DUMARKA: 16 Calaamadood Oo Aad Ku Garan Karto Ninka Ay Tahay Inaad Guursato

1. Waadku faraxsantahay agtiisa, niyadaada ayaana ku qanacsan la joogistiisa.

2. Marka aad niyad jabsantahay, waa qofka aad rajeysid inuu kula joogo.

3. Dareen ayuu siiyaa wuuna maqlaa waxa aad leedahay wax kasta oo ay noqdaan.

4. Waxa diyaar u yahay had iyo jeer inuu nafta kuu huro si uu u, arko adigoo farxsan.

5. Xiriir wallba iyo guur walba waxa uu leeyahay waqtiyo xun balse waad ogtahay inuu yahay ninka aad aad ku qasbantahay inaad guursatid marka uu ku garab istaago waqtiyada xun iyo kuwa wanaagsan intaba.

6. Waxa uu kugu jecelyahay waxa aad tahay iyo sida aad tahay.

7. Dhib malahan sida ay u waaweynyihiin riyooyinkaaga, had iyo jeer wuu kugu taageeraa.

8. Si buuxda ayaa ugu kalsoontahay.

9. Had iyo jeer adiga kaligaa ayuu indhaha kugu haayaa. Kaama dhargo.

10. Waa qofka koowaad ee aad wacdid marka aad heshid war xun iyo mid wanaagsan.

11. Daacad ayuu kuu yahay.

12. Uma aragtid jacaylkaaga kaliya balse waxaad sidoo kale u aragtaa saaxiibkaaga ugu fiican.

13. Xasuustaada kuugu wanaagsan waa waqtiyada aad la qaadatid isaga.

14. Wuxuu ku dareensiiyaa inaad tahay gabadha ugu wnaaagsan dunida.

15. Nolosha farxad iyo dareen wanaagsan ma hesho la’aantiis.

16. Wuxuu Meesha ka saaraa ciladahaaga iyo xumaantaada.

Aayaha Online

Hoyga Arrimaha Bulshada & Jacaylka

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button