UGAAR AH DUMARKA: Ninka leh sifooyinkaan halkaan arrin ayuu kugu rabaa - Aayaha

UGAAR AH DUMARKA: Ninka leh sifooyinkaan halkaan arrin ayuu kugu rabaa

Gabaryahay ninka aad ku aragtid sifooyinkaan hoos kaaga muuqda wixiisa ma ahan jacayl ee wuxuu kugu rabaa ciyaartaan.

  1. Wuuu caroodaa haddii uusan kaa helin baashaal

Marka uu nin ku jecelyahay isla markaana uu ku raaxeysto la joogaaga, wuxuu doonayaa inuu kuu dhowaado, waadku marti qaadi kartaa inaad wada ciyaartaan ama filim wada daawataan, xittaa ciyaarta sariirta la’aanteed wuuku faraxsanyahay inuu waqti kula qaato isagoo ku qanacsan la joogaaga, balse ninka aanan ku jecleyn ee wuxuu kugu rabaa galmo isagoo carooda marka aad ku adkeysid ama u diidid,waana kala saari kartaa ninka dhab kuu jecel iyo midka daneysi ah inuu sariirta kula koro kugu wata.

  1. Farriimaha iyo qoraaladiisa waa kuwo ka hadla arrimo galmo

Wax badan ayaad ka ogaan kartaa danta ninka iyo qorshihiisa, kuwa kugu raba arrimaha sariirta, waxay isticmaalaan fariimo iyo iimeeylo ay wada sheekeysiga ugu bedelaan wada sheekeysi galmo.

  1. Waqti walbo uu kula joogo wuxuu bilaabaa arrimo raaxo

Uma muuqdo mid xiiseynaya inuu kul sheekeysto ama waqti kula qaato, haddii sheekada aysan galmo ku jirin ama uu kulanka sariirta ka maranyahay wuu kaa dhaqaaqaa, waxana ay tahay in waxa kaliya uu kugu rabo ciyaarta sariirta balse aysan jirin wax jacayl ah uu kuu qabo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button