UGAAR AH LAMAANAYAASHA: Afar Waxyaabood Oo Muhiim U Ah Guurkiina

Si aad u ilaalisaan caafimaadka guurkiina, uma baahnidiin inaad isku iibisaan ama midba kan kale u keeno hadiyado qaali ah ama aad booqataan goobaha iyo magaalooyinka caanka ah.

Waxay idinku qaadaneysaa waxyaabo yar yar oo aad guriga ku sameyn kartaan.

Waxyaabaha soo socda ayaa muhiim u ah guurka isla markaana aad u baahantihiin inaad sameysaan.

  1. Raalligelin

Mar kasta oo aad qalad ka gasho lamaanahaaga, fadlan adeegga meel iska dhig oo ka raalli geli. Xasuuso dhihitaanka “waanka xumahay” inaysan ka dhigneyn inaad qof liita tahay.

Deg deg u dheh waanka xumahay oo weydiiso cafis.

  1. Badanaa muuji jacaylkaaga

Iyadoo ay jirto inaad sanado badan isqabteen, ha u qaadan in lamaanahaaga ay ogtahay inaad jeceshahay.

U muuj intaad awooddo jacaylka aad u qabto. Lamanahaaga kama daaleyso inaad ku dhahdo “waanku jeclahay”.

  1. Farxad

Isla kaftama, isla qosla, meelaha isla aada oo waqti wanaagsan soo wada qaata. Ha noqon qof waji kaduud ah oo ay xittaa lamaanihiisa ka cabsato.

  1. Waalid wadajira

Caruur ma leedihiin? Labadiinaba masuuliyad iska saara. Yaanan hal qof looga tagin inay caruurta siiso waalidnimo wanaagsan.

Guurkiinu wuxuu noqon doonaa mid xoog badan haddii aad dadaal isku mid ah ku bixisaan barbaarinta caruurta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button