UGAAR AH RAGGA: 3 Arrimood Haddii Aad Ku Aragto Gabadha Waqtiga Ha Iskaga Lumin

Waxaa jirta haweeney aad si aad ah u rabto. Qalbigaagu wuxuu dareemayaa inay tahay haweeneyda ugu fiican ee aad noloshaada u heli karto, laakiin way is adkeeyneysaa, waxaa wanaagsan inaad laba jeer ka fekertid kahor intaadan sii dabagelin si aad u hesho, sababtoo ah inaad hesho gabar wanaagsan oo aad la haasaawdo ma sahlana.

Waxaa jiraan haween badan oo u eg kuwo kugu habboon balse kuguma habboona. Hoos ka akhriso, 3 tilmaamood oo ku tusi doona inaad la haasaaweyso haweeney aanan kugu habbooneyn.

1. Haweeney iyada kaliya wax isla rabto

Haweeneyda qaldan ee aanan kugu habooneyn iyada kaliya ayaa iska fekerta. Ma daneyso dareenkaaga, waxayna sameysaa wax kasta oo iyada ka farxinaya.

Way adagtahay inay daneyso cabashadaada iyo dhibkaaga. Sidaa darteed la macaamilka haweeney noocaas ah waa mid kamid ah waxyaabaha ugu adag nolosha.

2. Waxbadan ayaad sugtaa

Haweeneyda wanaagsan ee kugu habboon waxbadan ma sugi doontid sababtoo ah waxay ogtahay inaad rabto nolosha ugu wanaagsan.

Haweeneyda kugu habboon aad iskuma adkeyneyso si aad u hesho, haddii ay aaminsantahay inaad tahay ninka ku wanaagsan nolosheeda, taas bedelkeedana wax kasta ayay kuu fududeyneysaa.

Haweeneyda wanaagsan waxay ogtahay waxay uga baahantahay nolosha.

3. Garab kama heshid waqtiyada adag

Way iska cadahay inaad eryaneyso haweeney qaldan oo aanan kugu habbooneyn haddii ay kula joogto marka ay arrimuhu hagaagsanyihiin kaliya.

Haweeneyda wanaagsan way ku garab istaageysaa xittaa marka dadkoo dhan ay kaa soo horjeedaan.

Waxay noqon doontaa isha rajada inta lagu jiro saacadda ugu madow nolosha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button