UGAAR AH RAGGA: 6 Tilmaamood Gabadha Haddii Ay Leedahay Ha Iska Sii Deyn

Waxaan idiin soo gudbineynaa 6 calaamadood oo ay leedahay haweeneyda daacada iyo garabka u ah seygeeda. Gabadha noocaan ah waxay leedahay sifooyin ay uga duwantahay mida aanan daacad iyo garab kuu ahayn.

  1. Waa mid walbo kugu qaadata

Lamaane dhabarkaaga taagan waxay kugu qaadaneysaa sida aad tahay, lamaanahaas oo kale kuma dareensiinayso inaadan ku habooneyn mana kula meel dhigayso kuwo kale.

9 Calaamadood Oo Lagu Garto Inaad Noqon Doontid Xaas Wanaagsan

Kuma dareensiinayso inaa tahay mid nasiib xun, lamaane daacad kuu ah oo ku garab taagan waxay kugu jeclaaneysaa sida aad tahay oo ilaahay (SWT) kuu abuuray.

  1. Waqti ayay kuu sameyneysaa

Haweeneyda daacada kuu ah kuna garab taagan waqti ayay kuu sameyneysaa mar kasta; haweeneydas oo kale kama maqleysid mashquul Ayaan ahay iyo wax lamida, kaama mashquuleyso xittaa hadeey ku jirto waqtigii mashquulka.

Lamaanahaas ku garab taagan waqti qaas ah ayay kuu sameyneysaa.

  1. Warkaaga ayay maqshaa

Lamaane daacad kuu ah isla markaana ku garab taagan waxay dhageysaneysaa hadalkaaga iyadoo dareen ku siineysa. Adiga ayay kula tashanee marka ay go’aan qaadaneyso wayna kula soo xiriirtaa mar kasta.

  1. Mahdin

Gabadha ku garab taagan waa tan had iyo jeer aragta qiimahaaga isla markaana ku faraxsan inay ku heshay, aad ayay ugu mahdisaa inay nolosha kugu heshay.

  1. Waa mid had iyo jeer kuu heelan

Tani waa dabeecad qaas ah oo ay leedahay haweeneyda ku garab taagan isla markaana daacadda kuu ah. Haweeneyda garabka kuu ah waa tan had iyo jeer diyaar kuu noqota kuna taageerta waqtiyada xun iyo kuwa wanaagsan, xittaa marka ay dadka kale gacan ku siineyn.

  1. Waaxay dadaal walba ku bixisa in xiriirku shaqeeyo

Lamaane daacad kuu ah kuna garab taagan waa mid ay ka go’antahay in xiriirka uu shaqeeyo; lamaanaha noocas ah waa  mid aanan la helin waxayna dadaal badan maalin walba galineysaa in xiriirka uu noqdo mid aad u wanaagsan.

Haweeney kasta waa inay noqotaa noocaan si xiriirka iyo guurka u nqodaan kuwo wanaagsan oo aanan burburin.

Ma leedahay lamaane noocaan ah? Waa inaad aad u xushmeysaa oo aad ilaalisaa gabadha noocaan ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button