UGAAR AH RAGGA: Laba Arrimood haka filan gabadha sida dhabta ah kuu jecel

Waa wax qurux badan marka ay gabar jacayl kuu qaado shakina kama taagno taas. Faa’idada ku jirta ayaa ah in gabadha marka ay iyada jacayl dhab ah kuu qaado aysan ogolaan doonin in guurkaas burburo.

Waxaa jira waxyaabo haweeneyda sida dhabta ah kuu jecel aysan marnaba ku sameyn doonin ninka ay jeceshahay. Waana kuwaan.

Qalbi jab

Ma jiraan wax ka xanuun badan inuu ku niyad jabiyo qofaad si weyn u jeceshahay. Marka laga soo tago inaad ka niyad jabto guurkaaga waxaa kasii daran dhaawacyada ay kugu reebeyso oo ah kuwo saameyn kugu yeelanaya.

Jacaylka waa waxa ay intabadan ay haweenka ka rabaan guurka. Waa waxa ka farxiya waqti kasta oo ay la joogaan raggooda.

Niyad jabka waa wax aadan ka filaneyn gabadha sida dhabta ah kuu jecel sidaa darteed nin kasta oo waxgarad ah ayaa garan kara marka gabadha ay si dhab ah u jeceshahay.

Qiyaano

Jacaylka waa waxa isku soo dhoweeya labada ruux ee xiriirka uu ka dhexeeyo. Sidoo jacaylka waa kan farxadda iyo raaxada u keena nolosha.

Mar kasta ogoow inaad tahay nin nasiib badan haddii aad hesho ama aad la haasaawdid gabar iyada ku jecel, sababta ayaa ah marka ay gabadha si dhab ah oo daacadnimo leh ay kuu jeceshahay waligeed kuma qiyaaneyso waxay ilaalisaa xiriirka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button