UGAAR AH RAGGA: Waligaa ha sameyn sadexdaan Ballamood haddii aadan kasoo bixi karin - Aayaha

UGAAR AH RAGGA: Waligaa ha sameyn sadexdaan Ballamood haddii aadan kasoo bixi karin

Fulin la’aanta ballamaha waxay siyaabo kala duwan u burburi karaan xiriiradeena. Markaad ballan qaado xaqiiji inaad kasoo baxdo.

Qofna ha u sheegin inaad u sameyn doonto wax aad ogtahay inaadan sameyn karin.

Waa kuwaan 3 ballamood oo waajib kugu ah inaadan sameyn haddii aadan kasoo bixi karin.

1. Naag kale waligeey kugu doorsan maayo

Ragga waxay jecelyihiin sameynta ballamo ay adagtahay inay kasoo baxaan. Badanaa ragga way burburiyaan xiriirkooda ama guurkooda bilo yar kadib marka ay arkaan inaysan kasoo bixi karin ballamihii ay ka qaadeen gabadha markii hore.

Baro inaad ilaaliso ballantii aad qaaday.

2. Mar kasta waanku garab taagnaan doonaa

Nolosha waa kor iyo hoos. Lamaanka wanaagsan waa kan ku garab taagan marka uu culeys ku heysto oo xaaladda ay kugu adagtahay.

Badanaa dadka way sameeyaan ballantaan oo aysan kasoo bixin. Marka uu culeys yimaado waxaad ogaaneysaa in culeyska uu kaligaa ku heysto isla markaana uusan jirin qof ku garab taagan.

Ma fududa inaad aaminto qof ilaalin waaye ballantaan fudud ee meel cidla ah kaaga tagay.

3. Mar dambe kuma qiyaani doono

Lamaanayaasha qaarkood way isqiyaanaan. Hadii aad u ballan qaaday inaadan qiyaani doonin dabadeed ilaali ballantaas.

Waa mid guud in lamaanayaasha qaarkood ay isqiyaanaan xittaa iyagoo isku ballan qaada inaysan sameyn doonin qiyaano.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button