Waa In Todobadaan Waxyaabood Ee Muhiimka Ah Ninka Uu Ka Eegaa Haweeneyda

Kahor inta aadan haweeneyda guursan ama xiriirka hore u dhaqaajin, waa inaad iska eegtaa waxyaabahan.

  1. Inay si dhab ah kuu jeceshahay

Shukaanso haweeney si dhab ah kuu jecel; sababtoo ah kuguma jecla waxaad heysato balse micnaha aad ugu fadhiso. Markaad ogaato oo aad dareento inay dhab kuu jeceshahay ayaad xiriirka horey usii wadi kartaa.

  1. Kalsooni

Dabca, waa inaad la hasaawdaa oo aad guursataa haweeney aad aamini karto. Marak la waayo daacadnimada, xiriirkaas waa gilgilmaa oo waxa uu noqonaa midaan caga buuxa ku taagneyn. Kalsoonida waa tayo muhiim ah oo ay tahay inaad ka eegtid.

  1. Haweeney garaad leh/caqli ahaan dhammeystiran

Markaad hesho haweeney maskax ahaan iyo dareen ahaan dhammeystiran, xiriirka wuxuu noqonayaa mid fudud oo socda, isfaham badan ayaa imaanaya. Ha iska qaadan haweeney kasta, qiimeey maskax ahaan iyo caqli ahaan. Sida ay u dhaqanto una jawaabto ayaa dka garan kartaa in xiriirka ay ka dhigi doonto hore u socod ama mid dhib badan.

  1. Xushmad

Haweeney aanan lahayn qadarin ma jeclaan kartid — xushmadda waxay la imaataa jacaylka iyo qiimaha; haddii ay ku qadariso, waxaad si fudud ku ogaan kartaa iyo ku qiimeyso kuna jeceshahay. ma qiimeyn kartid qof aanan ku qadarin.

  1. Way ku ogolaataa

Xaas ka dhigo haweeney kugu qaadata sida aatahay iyo shaqsiga aad tahay. Waxaa jira rag badan oo iska dhiga qof aysan ahayn si ay gabar u qanciyaan. Haddii aadan noqon Karin shaqsiga dhabta ah ee aad tahay isla markaana sidaas aadan u noqon Karin, kuguma habboona gabadhaas. Guurso haweeney kugu qaadata shaqsiga aad tahay iyo sida uu ilaahay kuu abuuray.

  1. Haweeney ku qiimeysa

Rag badan waxay nacaan guurka sababtoo ah ma dareemaan qiimeyn. Marka aanan lagu qiimeyn waxaad noqoneysaa mdi aanan faraxsaneyn oo dareemaya in la liiday.

Dooro xaas qiimeysa wax kasta oo aad u saameyso.

  1. Mid ku taageerta

Nin ahaan, waxaad u baahantahay lamaan ku taageerta kaana caawisa inaad noqoto qof wanaagsan.

Haweeney waxay kaa dhigeysaa qof wanaagsan ama mid xun, waxaan kuugula talin lahaa inaad xaas ka dhigatid haweeney kaa dhigeysa nin wanaagsan.

Ogoow waxaad haweeney uga baahantahay oo ka eeg waxyaabahan wanaagsan ee aan soo xusnay oo kaa caawin doona inaad go’aan wanaagsan qaadato.

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button