Waligaa Hala Noolaan Qof Kugu Sameeya Arrintaan, Fadlan Isaga Dhaqaaq Xiriirkaas

Dad badan ayaa lugaha la gala ama xiriir la yeesha lamaaneyaal dareensiiya inaysan fiicneyn ama aysan isku filneyn.

Badanaa dadka ayaa lugaha la gala dabinkaan iyagoo xiriir la yeesha qof dareensiiya inuusan ahayn qof karti leh, waxba qabsan Karin, aanan qiimo lahayn iyo waxyaabo xun oo intaas kasii badan.

La noolaanshaha lamaane noocaan ah wuxuu tartiib tartiib u burburin doonaa nolol kasta oo aad ku jirto mana ogaaneysid taas illaa aad ka dareento inaad gabi ahaanba tahay qof aanan qiimo lahayn.

Markaad la nooshahay lamaane ku dareensiiya inaadan wanaagsaneyn ama aadan isku filneyn waxaad ku dadaali doontaa inaad faraxd geliso qofkaas mana sameyn kartid taas; waxaad u qabaneysaa wax kasta si uu u arko qiimahaaga balse waligiis ma arkaayo qiimahaaga.

Waxaa hoos u dhacaya kalsoonidaada iyo qiimahaaga markaad isku dhadhajiso lamaane kuula dhaqma sidii inaa tahay qof aanan waxbo galin.

Hal wax oo hubaal ay tahay inaad xiriirkaas aad ku arkeyso ayaa ah, inaadan waligaa ku farxi doonin, waligaa kuma heleeysid farxad dhab ah meel lagula tuntay qiimahaagii xittaa waqti dheer kadib ma ogaaneysid waxay farxadu tahay.

Ugu dambeyn, waxaad mudantahay xushmad iyo in si wanaagsan laguula dhaqmo. Waxaad mudantahay lamaane ku dareesiiya qiimaha aad leedahay isla markaana ku faraxsanaan doona inuu ku helo.

Haddii ninka ama haweeneyda ay six un kuula dhaqanto isla markaana ku tusto inaad tahay qof aanan waxbo galin kadib qofkaas kuuma qalmo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button