Home CAAFIMAADKA Wax Ka Ogoow Cabitaanka Sisinta Iyo Faa’iidadiisa!

Wax Ka Ogoow Cabitaanka Sisinta Iyo Faa’iidadiisa!

0

Sisintu waxay ka mid tahay dalagyada dalkeena ka baxa, waxay aad muhiim ugu tahay caafimaadka, waxaana laga helaa nafaqo kala duwan, saliida macsarada oo loo yaqaano boqoraddii saliidaha “queen of oils” ayaan laga shiidaa, cunno ahaan ayaan cunnaa, cabitaan ahaanne waan u qasannaa.

Sisinta waxaa laga helaa fitamiino kala duwan, macdanno jirka bini’aadanka uusan ka maarmin sida kaalsiyamta, birta, magniisiyamka iyo zinc-ga.

Caafimaad ahaan waxaa la ogaaday in sisintu ay u roon tahay caafimaadka wadnaha iyadoo hoos u dhigto dufanka kolestaroolka oo halis ku ah xididada wadnaha, waxay kaloo hoos u dhigtaa cadaadiska dhiigga sarreeya.

Macdanta magnesium iyo phytate oo ku buuxda sisinta waxay ka hortag u yihiin cudurka kansarka, sababtoo ah waa sun-saarayaal awood leh.

Sisintu waxay kale oo kobcisaa caafimaadka lafaha maadaama ay ku jiraan macdanta lafuhu aysan ka maarmin sida kaalsiyamta, zinkiga iyo kuwa kale, sidaa darteed waxay cilmibaarayaashu sheegaan in cudurka lafo-beelka aanan lagu arkin dadka joogteeyo cunista sisinta iyo saliideeda.

Sisintu waxay sare u qaadaa dheef-shiidka, waxay dhaqaajisaa murqaha mindhicirka, waxayna ka hortagtaa calool fadhiga.

Sisintu waa lid-huriye “Inflammatory” awood leh, waxaana loo adeegsadaa ku daaweynta roomaatisamka iyo riixa maadaama ay hoos u dhigaan waxyaabaha keeno xanuunadaas.

Sisinta waxaa ku jira macdan loo yaqaano “Copper” oo caawiya in birtu ay jirka ka faa’idaysato sidaa darteed, waxay ka hortagtaa dhiig-yarida.

Waxaa intaa sii dheer in sisintu ay ilkaha, tinta iyo maqaarka ay u roon tahay sababtuan waa fitamiinanda kala duwan ay xambaarsan tahay.

Marka sisinta oo lagu afuro bisha barakaysan, waxay baaba’isaa oonka, waxay furtaa rabitaanka cuntada, daacoshiir iyo caloo xanuun ma keento, waxaa laga qaadaa firfircooni. sisintu kama mid ahan cabitaannada kiciyo aashitada caloosha oo keeno cudurka gaaska.

Haddii aad heli kartid sisin aad shiidatid, ku dadaal cabitaankeeda iyo isticmaalka saliideeda, caafimaad hor leh ayaad ka dareemi doontaa insha’llah.

Somalidoc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here