ARIMAHA BULSHADACAAFIMAADKANOLOSHAUncategorized

Sidee uga dhigi kartaa bishimahaaga kuwo kuhaboon shumiska ? [Sameey tilmaamahan]

Inta badan dadka kunool cirifyada aduunyada il gaar ah uma yeeshaan daryeelka bishimahooda ama faruuryaha si lamid ah daryeelka guud ahaan jirkooda, balse maogtahay aqristoow in daryeelka bishimahaaga uu wax badan kabadali karo muuqaalkaaga iyo dareenka jacaylka ee kuu qabo qofka uu kaala dhaxeeyo xiriir jacayl?

Hadaba waa talaabo aad uwanaagsan in marwaliba aad kudadaasho in bishimahaagu yihiin kuwo jilcan isla markaana ku haboon shumiska… hadii an eegno sida ey kuugu suurto gali karto arintani waxaa ugu weyn inad marwaliba aad badsato cabida biyaha si aad uga fogaato qaleyl kuyimaada faruuryahaaga kaasi oo u horseedi kara iney yeeshaan dil dilaacyo kaso baxa bishimaha.

Sido kale inaga oo qeybta hoose idinkugu so bandhigi karna talaabooyinka ad uqaadi karto inad yeelato bishimo soo jiidasho leh, waxaa xusid mudan in tusaale ahaan hadaad tahay qof cuna jaadka (khaatka) iney muhiim tahay inad marwaliba xasuusato nadaafada guud ee afkaaga si ad uga nadiifiso cagaarka iyo jaadka afkaaga kuhara qayilaada kadib waayo macquul maahan in aad filato shumis ama dhuuqmo af leh haraaga jaadka, sidaasi daraadeed dardaaranka an uheyno dadka qayila ayaa ah in marwaliba ay kudadaalaan nadaafada afkooda.

Hadaba halkani waxaan idinkugu heynaa talooyin kusaabsan sida afkaaga ad uga dhigi karto mid lashumin karo (ladhuuqi) karo:-

1 – Isku day in aad todobaadki halmar ad faruuryahaaga kabaabi’iso qolfaha ama maqaarka qalalan aad kanadiifiso.

Talaabadani ayaa ah mid aad ufudud isla markaana ad kusameysan karto gurigaaga adiga oo aanan aadin goob caafimaad adiga oo isku qasaya sonkor iyo malab kadibna qaar wareeg ah u marinaya faruuryahaaga.

2 – Isku day inad hesho cream-ka faruuryaha, adigoo marinaya kulana daliigaya bishimaha qaab wareeg ah 3 mar maalinti:

Bishimaha oo cream-ka loogu tala galay lagu daliiqo ayaa sare uqaada faya qabka faruuryaha isla markaana kordhisa wareega dhiiga ee afkaaga.

3 – Badi cabidda biyaha

       Cabida biyo badan maalinti ayey xaqiijiyeen culumada caafimaadka in ey kahortagto qaleylka faruuryaha kuyimaada iyo abuuritaanka qolofta dhimatay ee kazoo baxda bishimaha dadka marka uu jirkoodu ubaahanyahay biyo cabidda.

4 – Isticmaal nafaqada loogu tala galay in bishimaha lagu qooyo:-

       Tani micnaheedu maahan in cream ama saliid kasta oo faruuryaha loo isticmaalo ey yihiin kuwo u wanaagsan bishimahaaga, iyadoo laogaaday in qaarkoodba ey qaleyl horleh ukeenaan bishimahaaga. Hadaba si ad ukordhiso daryeelka bishimahaaga ugana dhigto kuwo marwaliba qoyan, isku day inad isticmaasho saliida ama cream-ka kasameysan qumbaha ama seytuunka oo laxaqiijiyay iney nafaqeeyaan bishimaha isla markaana ey ka dhigaan kuwo marwaliba qoyan maadaama maqaarka bishimaha ey dag dag kunuugi karaan. Hada marso cream-ka ama saliida kasameysan labada sheey ee an so xusnay habeenki kahor inta aadan seexan iyo maalinti marka bishimahaagu dareemaan qaleyl.

5- Wajigaaga kadaji ama kanadiifi make up-ka ama cream-ka ad marsatay kahor inta aadan seexan:-

Waa wax caadi ah in haweenku ey marsadaan cream-yada isqurxinta isla markaana ey seexdaan iyaga oo aanan wajigooda kanadiifin cream-ka taasi oo keenta in qaleyl badan ey kudhacaan bishimahooda kadibna ey dildilaacaan taasi oo hadii mudo ey sii socoto dhaawacyo kala duwan ukeeni karta bishimaha.

6- Kafogoow inad leef leefto bishimahaaga:-

     Carrabka oo lagu leef leefo bishimaha maahan oo kaliyah mid bishimaha kadhigi karta kuwo yeesha ur aan neefta qofka uwanaagsaneyn balse waa mid kadhigi karta faruuryahaaga guud ahaan kuwo qalalan, sababtoo ah candhuufta ayaa ah mid marka banaanka ey uso baxdo yeelata dareen ureed oo an wanaagsaneyn.

7 – Marwaliba nadiifi ilkahaaga iyo carrabkaaga:-

Qof waliba wuu yeelan karaa bishimo aad uwanaagsan, laakiin xaqiiqada taagan ayaa ah in hadii afkaagu uu urayo eysan marna suurto gal aheyn in bishimahaagu xatee hadii ey qurxanyihiin ey so jiitaan qofka kale, sidaasi daraadeed waa waajid marwaliba inad kudadaasho nadaafada afkaaga adiga oo marwaliba isticmaalaya cadey ama brush-ka ilkaha si ad unadiifiso afkaaga.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid