ARIMAHA BULSHADA

Maxaa ku dhacaya jirkaaga markaad joojiso cabista qaxwaha ama aad yareyso

Qaxwaha waa sheyga loogu cabbista badan yahay adduunka. Haddii aadan xitaa cabin qaxwaha ama shaaha, waa qasab in aad si joogto ah u cabto qaxwaha oo laga helo maadada kafeyiin-ka oo ah maaddo ku jirta shaaha, qaxwaha, kooka-kollada iyo shukulaatada, isla markaana ka hortagta hargabka.

Markaad isticmaasho qaxwaha laga helo kafeyiin-ka, jirkaagu si dhakhso ah ayuu u nuugaa, isagoo saameyn badan ku yeelanaya saacado gudahood, inkastoo ay qaadan karto ilaa sagaal saacadood si loo baabi’iyo. Waxa kale oo ay ku milmaysaa biyaha iyo dufanka, sidaa awgeed waxa uu galaa dhammaan unugyada jirka, taas oo muujineysa sababta ay u saameyn karto qaybo badan oo jirkaaga ka mid ah.

Dadka waaweyn waxaa lagula talinayaa in ay isticmaalaan wax aan ka badnayn 400 oo milligaraam oo kafeyiin ah maalintii, qiyaastii afar koob oo kafee ah. Arrintaan ayaa keeni karta gariir murqaha ku yimaada, lallabbo, madax-xanuun, garaaca wadnaha, iyo xitaa dhimasho ama xaalad aad u daran.

Laakiin xitaa dadka kaliya ee isticmaala laba koob oo kafee ah ama shaah ah maalintii waxay la kulmi karaan saameyn xun, sida caro, hurdo la’aan, iyo neerfayaasha oo kaca. Taasi waa sababta tirada sii kordhaysa ee dadku u dooranayaan inay iska daayaan qaxwaha kafeyiin-ka ah.

Haddii aad ka fekereyso inaad iska jarto kafeyiin-ka oo aad la yaabban tahay faa’iidooyinka ku jira inaad sidaas sameyso, waa tan waxa cilmi-baaris la sameeyay ay sheegtay.

Shaqada maskaxda

Joojinta cabbsita qaxwaha laga helo maadada Kafeyiin-ka waxay sababi kartaa madax-xanuun, iyo daal, sababtoo ah jirku wuu la qabsadaa marka qofku muddo cabo.

Kafeyiin-ka waxaa ku xiran unugyada maskaxda ee loo isticmaalo maadama adenosine oo muhiim u ah wareejinta tamarta. Ku xirnaashahaas unugyada waxay keentaa in jirku dib u dhigo bilawga daalka. Laakiin, waqti ka dib, unugyada maskaxdu waxay soo saaraan adenosine badan si ay u dhaqaajiyaan maadada adenosine-ka caadiga ah.

Haddaba marka aad joojiso qaadashada kafeyiin-ka, waxaa maskaxdu ay dareensiinaysaa qaybaha jirka inuu jiro daal badan oo xad-dhaaf ah marka la barbardhigo xilliyada qofku si caadiya u daallanyahay.

Madax-xanuunku waa natiijada joojinta Kafeyiin-ka. Kafeyiin-ta waxay ciriir galisaa xididdada dhiigga ee madaxa iyo qoorta, taasoo yaraynaysa wareegga dhiigga ee maskaxda.

Marka aad joojiso cabitaanka kafeyiin-ka, xididdada dhiiggu waxay ku soo noqdaan cabbirkoodii caadiga ahaa qiyaastii 24 saacadood ka dib, taasoo keenaysa kororka qulqulka dhiigga ee maskaxda iyo kicinta hab-mareennada dhiigga. Arrintaan waxay socon kartaa ilaa sagaal maalmood celcelis ahaan.

Intaa waxaa dheer, in maadaama kafeyiintu ay ku xiran tahay adenosine reseptors kaas oo sidoo kale beddela xanuunka, joojinta kafeyiin-tu waxay si ku-meel-gaar ah u kordhin kartaa dareenkaaga iyo dareenka xanuunka.

Kafeyiin-ku runtii wuxuu saameeyaa hurdada marka la isticmaalo gelinka dambe iyo saacadaha fiidkii. Sababtoo ah kafeyiintu waxay dib u dhigtaa sii deynta melatonin, (hormoonka hurdadeena) 40 daqiiqo. Kafeyiin-tu waxay sidoo kale yaraynaysaa wadarta wakhtiga aad seexanayso waxayna gaabinaysaa wakhtiga hurdado qoto dheer.

Tan waxay kordhin kartaa daalkaaga maalinta xigta, waxayna kugu keenaysaa dhibaato hurdada waqtiga soo aaddan.

Markaad iska dayso kafeyiinta, waxaa laga yaabaa inaad aragto horumar xagga hurdada ah. Waxaa jira cadaymo muujinaya in horumarku uu soo muuqan karo ugu yaraan 12 saacadood ka dib.

Kafeyiin-ku waxa kale oo lala xiriiriyaa kororka walaaca iyo welwelka wata iy argagaxa, mana ahan oo kaliya mid ku kooban arrintaani kuwa u nugul dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka. Yaraynta ama baabi’inta Kofeyiinta waxay hagaajin kartaa niyaddaada iyo hurdadaada. Hurdo la’aantu waxay ka sii dari kartaa marka welwelka iyo cilladaha kale ee niyadda ay jiraan.

Caafimaadka Wadnaha

Yaraynta ama joojinta Kofeyiin-ka waxay sidoo kale daweyn kartaa laabjeexa iyo dheefshiidka. Kofeyiin-ka waxay keentaa dheecaanka aysiidka ee caloosha waxana ay daciifisaa sfincter-ka hunguriga (esophageal sphincter), kaas oo maamula dib u soo noqoshada waxa ku jira caloosha ee hunguriga, taas oo keenta laabjeex iyo dheefshiidka oo xumaada.

Joojinta Kofeyiin-ka waxay sidoo kale hoos u dhigi kartaa cadaadiska dhiiggaaga iyo garaaca wadnaha, inkastoo daraasado kale ay muujiyeen isbeddello kooban.

Dhoola cadeyn badan

Joojinta Kofeyiin-ka waxay keeni kartaa in ilkuhu yeeshaan kalar cad, sababtoo ah kafeega iyo shaaha labaduba ilkaha waxay ku keenaan wasakhow.

Sonkorta ku jirta cabitaannada tamarta ayaa sidoo kale dhaawac u geysan kara ilkahaaga. Ka tagista iyaga ayaa wax ka taraysa ilaalintooda. Cadaymo kale ayaa sheegaya in cabitaannada Kofeyiin-ku ay yarayn karaan candhuufta, taas oo sida caadiga ah ka ilaalisa ilkaheenna waxyeellada.

Waxa kale oo laga yaabaa inaad aragto dareen weyn oo ku saabsan dhadhanka cuntooyinka macaan iyo cabitaannada ka dib marka la joojiyo kofeyiin-ka, maadaama ay faragelinayso dhadhanka walxaha macaan.

Kafeyiin-ka waxaa ku shaqeeya murqaha iyo mindhicirrada, gaar ahaan xiidamaha, mararka qaar wuxuu keenaa u baahashada in aad suuliga gasho oo aad saxarooto. Kofeyiin-ta waxay sidoo kale beddeli kartaa joogteynta saxaradaada, gaar ahaan haddii aad wax badan cabto, maadaama kafeyntu ay saameyneyso nuugista biyaha.

Yaraynta isticmaalka kafeyiin-tu waxay yarayn kartaa rabitaankaaga inaad suuliga gasho, iyo sidoo kale beddelka joogteynta saxaradaada.

Kofeyiin-tu waxa kale oo ay leedahay saamayn khafiif ah, oo kordhineysa wax soo saarka kaadida. Taasi waa sababta ay kafeyntu ugu xiran tahay maadaama adenosine reseptors ee kelyaha, beddela sida sodium loo beddelo, oo saameynaysa xajinta biyaha.

Isticmaalka dhexdhexaadka ah

Sida dhexdhexaadnimadu muhiim ugu tahay waxyaabo badan ayay tanna ugu tahay marka ay timaaddo joojinta iyo habka loo wajahayo arrintaa.

Laakiin haddii aad si dhab ah uga fekereyso inaad ka takhalusto Kofeyiin-ta cuntadaada, habka ugu fiican ee aad ku sameyn karto waa si tartiib tartiib ah.

Samaynta habka loo joojinayo waxay keenaysaa waxyeelooyin ay ka mid yihiin madax xanuun iyo daal kaas oo socon kara laba ilaa saddex toddobaad.

Intee in le’eg ayay saamayntani soconaysaa waxay ku xiran tahay inta ay le’egtahay kafeyiin-tu aad maalin walba isticmaashay iyo muddada aad wadday.

Source
BBCSomali

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid