ARIMAHA BULSHADA

Daraasad akhbaar aan fiicnayn u wadda dadka aadka u buurbuuran

Xiriirka cayilka adduunka (World Obesity Federation) ayaa ka digay in in ka badan kala bar dadka adduunka ay noqon doonaan kuwo cayilan marka la gaaro 2035, haddii aan tallaabo la qaadin.

Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Xiriirka, in ka badan afar bilyan oo qof ayuu saameyn doonaa cayilku, waxaana inta u badan ay noqon doonaan carruurta.

Waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa dhexe ee Afrika iyo Aasiya ayaa la filayaa inay noqdaan tirada dadka ugu badan ee cayilku saameeyay.

Warbixintu waxay rajaynaysaa in kharashka ku baxaya buurnida dadka sannadka 2035 uu gaaro in ka badan $4 trillion oo dollar.

Madaxa xiriirka ururka buurnida adduunka Professor Louise Burr ayaa ku tilmaantay natiijada warbixinta inay tahay digniin cad oo waddamada loogu digayo inay hadda wax ka qabtaan arrintaan ay mustaqbalka halis iyo cawaaqib xumo ka dhalan karto.

Warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay heerka sare ee buurnida carruurta iyo dhallinyarada, iyadoo la filayo inay laban-laabmaan sanadaha soo socda cayilka ragga iyo dumarka labadaba.

Professor Louise waxay sheegtay inuu jiro isbeddel iyo waalaac gaar ah oo arrinta laga qabo “waxaa dawladaha iyo siyaasad-dejiyeyaasha adduunka oo dhan looga baahan yahay in inay sameeyaan wax kasta oo ay awoodaan si ay uga fogaadaan halista caafimaad iyo kharashka ku bixi doona caafimaadka dadka, bulshada iyo jiilka soo koraya.

Warbixintu waxa kale oo ay iftiimisay saamaynta buurnidu ku leedahay dalalka dakhligoodu hooseeyo, waxayna ogaatay in sagaal ka mid ah tobanka waddan ee la saadaaliyay inuu korodhayo buurnida dadkooda ay yihiin waddamo dakhligoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka ah ee Afrika iyo Aasiya.

Sababaha arrintaan keenaya waxaa ka mid ah sida la sheegay isbeddellada ku yimid cunista cuntooyin nafqada leh iyo hab-dhaqanka dadka aduunka oo noqday kuwo wahsi badan sida daarsada lagu sheegay.

Sidoo kale adeegyada daryeelka caafimaadka oo aan lahayn tayo sare iyo waxbarashada iyo waalidka oo aan ku baraarugsanyeen ayaa qeyb ka ah sababaha arrinta horseedka ka ah.

Waddamada dakhligoodu hooseeyo ayaa sheegay in aysan ilaa iyo hadda qaadin talaabooyin wax looga qabnayo cayilka iyo cawaaqibka xun ee ka dhalan kara sida warbixinta lagu sheegay.

Warbixinta waxaa kale oo la sheegay in buurnida adduunka uu sameeyn dhaqaale oo dhan 3 boqolkiiba ku yeelan doono adduunka sida ay muujinayaan natiijooyinka cilmi baarista.

Xogta lagu daabacay warbixinta ayaa loo gudbin doonaa Qaramada Midoobay .

Cayilku waa erey caafimaad oo loo isticmaalo in lagu qeexo qofka la ildaran ama ay ku badan tahay baruurta jidhka.

Saamaynta uu cayilka ku yeeshay Yurub

Waxaa la il daran:

8% ka mid ah carruurta ay da’doodu ka yar tahay 5 sano.

29% ka mid ah carruurta ay da’doodu u dhaxayso 5 ilaa 9 sano.

25% ka mid ah dhallinyarada u dhaxeeya 10 jir ilaa 19 jir.

Dalalka qaar, sida Britain, waxaa laga hirgeliyay shuruuc loogu talo galay in lagula dagaallamo cayilka. Tusaale ahaan makhaayadaha ayaa lagu khasbay in raashinka laga iibsado ay ku caddeeyaan tirada baruurta iyo sokorta ee laga heli karo.

Waxaa sidoo kale jira qorshe telefishinnada looga mamnuucayo xayaysiimaha lagu sameeyo raashinka ay sokortu ku badan tahay. Haddii sharcigan la hirgeliyo waxaa telefishinnada mamnuuc ka noqon doona inay xayeysiimaha noocaas ah sameeyaan.

Source
BBCsomali

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid