ARIMAHA BULSHADA

3 Shaqo Oo Aabe Waliba Laga Rabo Inuu Qabto

Waalidnimadu maahan howl sahlan maadaama ay tahay safar waxyaabo badan u baahan aadna u culus.

Aabe ahaan, waxaad u baahantahay inaad kaalin weyn ka ciyaarto marka ay noqoto barbaarinta caruurtaada.

Waa inaadan xaaskaaga uga tagin ama ku dhaafin barbaarinta iyo waalidnimada.

Waa kuwaan qaar kamid ah shaqooyinka aabe kasta laga rabo inuu sameeyo.

  1. La socoshada waxbarashada caruurta

Waa wax iska caadi ah in aabaha guriga yimaado marka shaqada uu kasoo baxo isagoo daalan. Si,kastaba, waa muhiim inaad hesho waqti yar oo aad kula soconeyso waxbarashada caruurtaada.

Inaad sidaas sameyso ayaa kuu suurtagalineysa inaad la socota horumarka ilmahaaga ee waxbarashada.

  1. Cidiyaha ka jar caruurta

Ilmaha yar waxay leeyihiin cidiyo fiiqan oo u baahan in si joogto ah looga jaro. Aabe ahaan, howshaas waad qaban kartaa maadaama ay ku siineyso fursad aad waqti kula qaadato canugaaga.

  1. Iskuulka ka keen caruurta

Waalidiinta qaarkood waa kuwo leh jadwal shaqo oo mashquul badan, way ku adkaataa inay caruurta ka keenaan dugsiga/iskuulka.

Si,kastaba, iyadoo uu jiro jadwalkaas mashquulka ah, mararka qaar waqti u hur caruurtaada oo kasoo wad iskuulka. Taasi waxay ku siineysaa fursad aad kula hadasho caruurtaada isla markaana aad ku ogaaneyso waxa kusoo kordhay noloshooda.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid