ARIMAHA BULSHADACAAFIMAADKA

Cilmi baaris: Lawska Oo La Ogaaday Inuu Kordhiyo Shahwada Ragga

Isticmaalka joogtada ah ee lawska waxay hagaajin kartaa caafimaadka shahwada. Cilmi baaris ayaa muujisay.

Saynis yahano ayaa ogaaday in ka dib markii ay tijaabo ku sameeyeen rag cunay cantoobo lawska noocyada almonds, Hazelnuts iyo Jozi (walnuts) maalin kasta muddo 14 maalmood ah waxaa badatay shahwadooda oo safiican u shaqeeysay.

Cilmi baaristan ayaa ka danbaysay ka dib markii ay wadamada reer galbeedka laga shaaciyay in ay ka jirto dhibaato ka haysata waxtarka shahwada ragga, dhibaatadaas oo ay keento wasakhowga deegaanka, sigaarka iyo noocyada cuntada.

Cilmi-baarayaashu waxay yiraahdeen waxaa jira caddayn ah in cunista cunto caafimaad leh ay caawin karto arrimaha taranka.

Toddobadii lammaane mid ka mid ah ayaa la kulma dhibaato xagga uurka ah, qiyaastii 40-50 boqolkiiba dhibaatada waxaa sababa ragga.

Saynis yahanadu waxay 119 nin u qaybiyeen laba kooxood oo da’doodu u dhaxayso 18 iyo 35 jir:

Koox ayaa  cuntay 60 garaam oo laws ah maalintii halka kooxda kale aysan cunin lawska.

Kuwii cunay lawska ayaa waxaa isbedel ku yimid shahwadooda.

Wax-soo-saarka ayaa kordhay 14%

Kororka 4% ayay shahawadooda korortay

Xawaaraha ayaa kordhay 6%

Qaabka shahwadada 1%

Natiijooyinkani waxay muujinayaan in isbeddelka qaab nololeedka sida cunista cunto caafimaad leh ay faa’iido leedahay.

Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baarayaashu waxay caddeeyeen in ragga loo adeegsaday daraasaddan dhammaantood aysan lahayn dhibaatooyin xagga taranka ah, sidaas darteed ma cadda in natiijada daraasadda loo isticmaali karo xitaa kuwa dhibaatooyinka taranka ay haysato.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid