ARIMAHA BULSHADA

Nin Sabab fudud Ceejo Ugu Dilay Xaaskiisa Oo Lahayd Uur Shan Bilood Ah

Nin 30 sano jir ah ayaa dil fool xun kula kacay xaaskiisa kadib markii haweeneyda uu qabay ay aaday qaraabadeeda iyadoo aanan u sheegin.

Haweeneyda uu ninkeeda dilay ayaa ahayd xaamilo, waxana uu dilkeeda ka dhacay degmada lagu magacaabo Ambedkar Nagar ee Koonfurta magaalada Delhi caasimadda India.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Vijay, ayaa dilka xaaskiisa kadib tagay saldhigga boliiska Ambedkar Nagar isagoona saraakiisha u sheegay inuu dilay xaaskiisa.

Koox ka tirsan boliiska oo loo diray guriga faldambiyeedku ka dhacay ayaa qolka jiifka kasoo helay meydka haweeneyda oo uu qoorteedu ka muuqday in Ceejo lagu dilay.

Intii su’aalaha la weydiinayay eedeysanaha waxa uu sheegay in xaaskiisa ay la murantay kadibna uu ceejiyay.

Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabi jiray Hemalata, ayaa la sheegay inay lahayd uur 5 bilood ah.

Waxay aaday gabar la dhalatay ninkeeda oo daris la ah xilli uu maqnaay seygeeda Vijay. Kahor inteysan guriga tagin ayaa waxaa guriga kaga hormaray ninkeeda isagoo aad u carooday markii uu arkay in xaaskiisa ay guriga ka maqantahay.

Markii Hemalata, ay dib ugu soo laabatay guriga, lamaanaha ayaa waxaa dhexmaray muran xoogan iyadoo markii dambe Vijay uu ceejiyay xaaskiisa sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska The Times of India.

Gabar la dhalatay haweeneyda la dilay oo lagu magacaabo Asha, ayaa sheegtay in Vijay uu jirdil u geysan jiray Hemalata una diidi inay qof la kulanto.

Eedeysanaha ayaa waxaa laga xareeyay (Dil) sida ku xusan qeybta 302 sharciga ciqaabta India.

Related Articles

One Comment

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid