ARIMAHA BULSHADACAAFIMAADKA

Ma ogtahay faa’iidooyinka caafimaad ee uu leeyahay Shaaha aad maalin kasta cabto?

Dadka ku nool daafaha caalamka ayaa waxay shaaha cabayeen kumanaan qarni ka hor iyagoo u arka inuu wanaagsan yahay.

Soomaalida qudheeda qarniyaal badan ayuu shaahu u ahaa cabitaan dabiici ah oo ay naftooda u cabaan, martidana ku sooraan, ayagoo noocyo kala duwan u kariya.

Daraasado badan ayaa muujiyay in shaaha uu kaalin mug leh ka qaato habka difaaca ee jirka, la dagaalanka caabuqyada sababa bararka, xanuunada kansarka iyo wadna xanuunka.

Khubarada cuntada ee dalka Maraykanka ayaa horay shaaca uga qaaday in Shaaha uu jirka u leeyahay faa’iido caafimaad oo ay ka mid tahay korriinka jirka.

Khubaradan ayaa gaar ahaan waxa ay ka warameen macdanta Potassium oo ku badan ama ku jirta shaaha madow taas oo haddii qofku helo maalinti waxyaabo ay ku jirto uu koriinka maskaxeed iyo jireedba kor u kaco.

Phil Imprat oo ka mid ah koox khubaro ah oo baaritaan ku sameeyay shaaha ayaa sheegay in faa’iidooyin caafimaad uu jirka u leeyahay shaaha madow.

Phil Imprat ayaa waxa uu intaa ku daray in daraasad ay dhawaan sameeyeen natiijadii ka soo baxday ay noqotay mid aad uga yaabisay oo ay ku ogaadeen in dadka Isticmaala shaaha bigayska ay kaga yar yihiin kuwo kale ee aan shaaha bigayska ku cabin. Waxa uu gacan ka geystay ka hortagga xanuunada wadnaha iyo joog joogsiga wareega dhiiga.

Khabiirkan ayaa sidoo kale sheegay in Shaaha bigayska ee sida joogtada ah loo isticmaalaa uu jirka u leeyahay faa’iido aan la soo koobi karin, sababtoo ah waxa ku jira, Maadada loo yaqaan Flavonoids iyo Antioxidants oo ah maadooyin la dagaalama waxyaabaha gabowga jirka ku dhaliya isla markaana firfircooni galiya dhiiga iyo koriinka jirka oo wasakhda ka saara.

Shaaha Bigayska ah ayay dhakhaatiirtu ku tilmaameen cudud cusub oo lagula dagaalami karo xanuunada wadnaha iyo dhiig karka, sababtoo ah maadooyinka ku jiraa waxa ay la dagaalamaan duxda dhiiga gasha ee afka qalaad loogu yeedho “Cholesterol.”

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in maaddada Fluoride ay ilkaha ka yareeyso xanuunada ku dhaca sida suuska, cirrid -dhiigga iyo saliilyada, waxaanu hoos u dhigaa ama yareeyaa sida dhakhaatiirtani sheegeen suuska madoobeeya ilkaha.

Shaaha madow ee dhakhaatiirtani ka hadleen ayaa ah ka aan sonkorta badan lahayn isla markaana si dabiiciya oo aan la khamiirin loo kariyo, ugu danbayntii dhakhaatiirtu waxa ay tilmaameen in shaaha madoobi leeyahay kafeyiin badan, isla markaana ay ku yar yihiin maadooyinka loo yaqaan Calories oo ah waxyaabaha sababa suntan dhiigga gasha.

Dhibaatada ka dhan karta

Iyadoo uu shaaha leeyahay dhammaan faa’idooyinkaas ayaa haddana waxaa jira khataro caafimaad oo dhalan kara haddii uu qofka si xad dhaaf ah u isticmaalo.

Hal khatar ayaa ah kafeyiinka xad dhaafka ah. Xaddi badan oo kafeyin ah ayaa laga yaabaa inuu kuu horseedo neerfahaaga oo aad u kaco iyo degenaansho la’aan waxaana laga yaabaa inay carqaladeyso hurdadaada.

Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay dareemaan saxaro jilicsan iyo arrimo kale oo caloosha la xiriira. Lalabbo, calool xanuun, laabjeex, dawakhaad iyo murqo xanuun ayaa ah saameynaha kale ee suurtogalka ah ee isticmaalka kafeyiin badan.

Sidoo kale, shaaha ayaa laga yaabaa inuu la falgalo daawooyinka qaarkood oo uu kordhiyo saamaynta caffeine ee jirka. Wadarta qaadashada maalinlaha ah ee kafeyn-ka ayaa ah in aysan dhaafin 400 milligram.

Source
BBCSomali

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid