ARIMAHA BULSHADA

Nin diyaariyay aaskiisa iyo tacsidiisa kahor geeridiisa (Daawo Sawirro)

Mallappa, oo ah beeraley ku noolaa gobolka Andhra Pradesh ee koonfurta Hindiya, markii uu gurigiisa ka tagayay bishii Agoosto ee sannadkii lasoo dhaafay, wuxuu qoyskiisa u sheegay “inuu khudaar soo iibinayo”.

Reerkiisa waligood niyaddooda kuma soo dhicin inuu go’aan ku gaaray inuu isdilo, waxa uu soo iibinayayna ay ahaayeen waxyaabihii looga baahnaa aaskiisa iyo munaasabadda tacsidiisa. Wariyaha BBC-da ee qeybta Telugu, Hrudaya Vihari, ayaa ka soo warrantay.

Agabkii uu maalintaas soo gaday Mallappa waxaa ka mid ahayd karfantii meydkiisa lagu dabooli lahaa, Jijimaha asaayda ee ay xaaskiisa xiran lahayd, qori-cuud, ubaxa meydadka la saaro, iyo sawirkiisa oo la baceeyay, si gurigiisa loo suro marka uu dhinto ka dib.

Markii uu ku soo laabtay xaafaddiisa, qalabka oo dhan wuxuu dusha ka saaray qabriga aabihiis oo ku dhex yaalla beertiisa.

Qalabka wuxuu ag dhigay warqad uu ku sharraxay inuu go’aansaday isdilitaan, maadaama uu awoodi waayay inuu iska bixiyo lacago deyn ah oo gaaraya 285,000 rupees una dhigma ($4,000 oo doolar ama £3,100 gini), taasoo uu horay uga deynsaday bangiyo iyo shirkadaha kale ee lacagta laga amaahdo.

Waxa uu sidoo kale qoraalka ku sheegay in uu soo iibiyay wax walba oo tacsidiisa ku bixi lahaa si aysan qoyskiisa mar kale ugu dibtoonin kharashka aaskiisa.

Ka dib wuxuu tagay mundul yar oo u dhow beertiisa, halkaasoo uu maalintii ku nasan jiray isagoo miraha beertiisa ku cuni jiray. Waana meeshaas goobta uu noloshiisa ku soo afjaray.

Madhavayya wuxuu sheegay inuu rajo ka qabo dalagga dambe ee uu beerta ku abuuri doono

Aroornimadii hore ee subaxdii xigtay, wiilkiisa oo lagu magacaabo Madhavayya, oo lo’da u foofinayay iney soo daaqdo, ayaa arkay qalab cusub oo dul saran qabriga awowgiis, sawirka baceysan ee aabihiis ayaana ka mid ahaa agabkaas.

“Waxaan dareemay iney wax khaldan yihiin waxaana u cararay dhinaca mundulka. Waan argagaxay markii aan arkay meydka aabeheey oo halkaas yaallay”, ayuu ku yiri BBC-da, isagoo ilmeynaya.

Madhavayya ayaa helay meydka aabihiis oo dhex yaallay Mundulka

Marekka oo ah xaaskiisa ayaa sheegtay in waligood aysan ku fikirin inuu tallaabadaas qaadi doono.

Waxay sheegtay in mid ka mid ah dadkii deynta ku lahaa seygeeda uu xitaa u hanjabay.

Xaaskiisa waxay sheegtay ineysan ka filan jirin tallaabadaas

Saraakiisha ayaa sheegay in abaarta ka jirta gobolka ay tahay mid xad dhaaf ah – mid ka mid ah saraakiishaas ayaa BBC-da u sheegay in abaarta jirta ay tahay tii ugu darneyd ee deegaankaas soo marta 54-tii sano ee lasoo dhaafay.

“Dhimashada Mallappa waxay tusaale u tahay saameynta ay geysatay abaarta, dadka beeraleyda ah waxay hadda in beer la yeesho ka door bidaan iney waardiye albaab taagan iska noqdaan”, ayuu yiri SM Bhasha oo ka mid ah dadka u ol’oleeya xuquuqda aadanaha.

Mallappa sheekadiisa waxay si xanuun badan caan uga sii noqoneysaa dalka Hindiya, mana aha mid ugub ku ah waddankaas.

Beeraleyda Hindiya ayaa sannadihii la soo dhaafay dhibaatooyin badan kala kulmay hoos u dhac ku yimid qiimaha dalagga kasoo go’a beeraha, iyagoo sidoo kalena la tacaalayay biyo la’aan iyo abaaro ragaadiyay.

Milkiileyaasha beeraha ayaa la murugooda bixinta deymaha lagu leeyahay iyo khasaaraha mararka qaar kasoo gaara dalagga ka hallaaba.

Dhibaatooyinkaas ayaa soo dadajiya iney dadka beeraleyda ah qaarkood go’aansadaan iney dunida isaga tagaan.

Ugu yaraan 300,000 oo beeraley ah ayaa dalka Hindiya isku dishay tan iyo sannadkii 1995-kii.

Xigasho: BBCSomali

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid