ARIMAHA BULSHADANOLOSHA

3 Siyaabood oo aad ku bedeli karto nolosha caruurta agoonta ah

Ma heysaa canug agoon ah oo deriskaaga ah? Agoontu waa kuwa mara xaalad adag oo nolosha ah. Intooda badan waa niyad jabaan sababtoo ah way ku adkaataa xakameynta culeysyada soo wajaha.

Agoonku waa mid cid kasta oo daneyneysa ama damqasho leh taageero uga baahan.

Waa kuwaan siyaabaha aad ku caawin karto agoon haddii uu jiro mid daris kula ah ama xaafadda kula degan.

  1. La wadaag sheekooyin dhiirigelinaya

Sheekooyinka dhiiri gelinta ah waa kuwo bedeli kara nolosha agoonta. Waxay keeneysaa inuu niyadda gashto inuu heer wanaagsan ka gaari karo nolosha.

Usheeeg iyada ama isaga sida ad uga gudubtay culeysyada noloshu kusaartay si uu guul ugaaro. waxaa intaas kadib hubaal ah inu abaal waligii kuu heyn doono inta uu noolyahay.

  1. Ka bixi isaga/iyada lacagta waxbarashada

Caruur badan oo agoomo ah ayaa kabaxa iskuulada maadaama aysan iska bixin Karin lacagta iskuulka. Canug agoon ah waaka samatabixin kartaa xaaladdan adag.

Waxaad ku caawin kartaa inaad u aruuriso qeyb kamid ah lacagta iskuulka si uu udhammeysto waxbarashadiisa ama ay u dhammeysato taasoo u ah farxad iyo dhismaha mustaqbal ifaya, iyadoo sidoo kalana adiga kuu noqon doontaa sharaf Ilaahay (SWT) xagiisana uga heli doona ajar.

Waxaad sidoo kale awooddaa in qaar kamid ah caruurta agoonta ah aad ku xirto ama la xiriirisid shaqsiyaad can ah oo ku jira dowladda si ay uga bixiyaan lacagaha iskuulka.

  1. Ka bixi raashinka

Waxaad kale oo awoodi kartaa in canug agoon ah aad ku marti qaado in wixii cunno ah uu hoygaaga ka cunno taasoo ah arrin kale oo wanaagsan isla markaana wax weyn u tareysa.

Qaar badan oo caruurta agoonta ah kamid ah ayay gaajo ku heysaa magaalooyinka halka qaar kale ay baahi u geeriyoodeen.

Fadlan caawi agoonta.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid