ARIMAHA BULSHADA

Xaafado ceeb awgeed magacyada isaga baddalaya

Dadka ku dhaqan xaafado “magacyo laga yaxyaxo leh” oo ku yaalla gobollada Haryana iyo Rajasthan ee dalka Hindiya ayaa u xusul duubanaya in la baddalo magacyadaas oo sannado fara badan ay dhibsanayeen. Wariyaha BBC-da ee gobolka Punjab Arvind Chhabra ayaa la hadlay qaar ka mid ah dadka hor kacaya ol’olahan.

“Xaafaddeyda magaceeda waxaa la yiraahdaa Ganda [oo micnaheeda marka luuqadda Hindiga laga soo turjumo uu noqonayo Wasakh ama foolxumo]”, erayadaas waxay ku qornaayeen warqad ay haweeneyda lagu magacaabo Harpreet Kaur sannadkii 2016-kii u dirtay ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi.

Waxay tallaabadaas qeyb ka ahayd isku dayga ay ku dooneyso in si rasmi ah loo baddalo maga xaafaddeeda. Waxay intaas ku dartay in magaca xaafaddeeda oo kaliya uu ku filan yahay iney bahdilaad kala kulanto qof walba oo ay is arkaan.

“Xaaladdu aad bay u xumeyd, waxayna gaartay heer ay xitaa qaraabaddeenna nagu aflagaadeeyaan”, ayey tiri.

Sannadkii 2017-kii ayuu Mr Modi ku amray mas’uuliyiinta iney baddalaan magaca xaafaddaas.

Maanta, xaafaddaas magaca laga baddalay ee hadda la yiraahdo Ajit Nagar waxay tusaale u tahay oo ku faana guud ahaan gobolka Haryana ee ku yaalla waqooyiga dalka Hindiya. Madaxa guddiga xaafaddaas oo lagu magacaabo Lakwinder Ram, ayaa sheegay in muddo sannado badan ah ay ka dhursugayeen iney dowladda u soo jeedsato, si loo baddalo magaca xaafaddooda.

“Markii ay taasi shaqeyn weyday, waxaan ku fikirnay in haddii qof dhallinyaro ah uu warqad u qoro Mr Modi ay suurta galeyso ujeeddadeenna”.

“Ma jirin hal qof oo ku sugnaa xaafadda, oo aan dooneynin in la baddalo magaca xaafadda”, ayuu yiri.

Dadka xaafadda ayaa sheegay in magaca Ganda uu u baxay markii ay tobannaan sano ka hor daadad ku soo rogmaday ay horseedeen qashin fara badan.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta dalka oo halkaas booqday musiibada fatahaadda ka dib ayaa sheegay in dhammaan meel walba oo uu daadka maray ay noqotay wasakh ama “ganda”, isla markiina waxaa xaafadda ku dhagay magacaas.

Mr Ram ayaa intaas ku daray in magaca xaafadda uu xitaa sababay in laga guursan waayo halkaas, maadaama ay ceeb tahay in meel wasakh lagu magacaabo laga soo guursado ama aroos lagu dhigto. “Hadda waxaa si fiican nooga fuqday neefta”, ayuu yiri.

Balse kiiska la xiriira xaafadda Ganda ee magaca laga baddalay ma aha midka kaliya ee noociisa ah. Wakiillada in ka badan 50 xaafadood ayaa dhawaan dowladda u gudbiyay codsiyadooda ku saabsan in la baddalo magacyada xaafadahooda.

Sababaha way kala duwan yihiin – xaafadaha qaar ayaa magacyadooda loo arkay kuwo cunsurinimo ah, qaarna waa erayo aflagaaddo ah oo aan ku habooneyn bulshada oo ceeb u soo jiidaya.

“Codsiyada ilaa 40 xaafadood ayaa la aqbalay isla markaana waa la hirgaliyay”, ayuu yiri Krishan Kumar, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka.

Kuwaas waxaa ka mid ah xaafad lagu magacaabi jiray Kinnar oo micnaheedu marka luuqadda Hindiga laga soo turjumo uu yahay “qof dareenkiisu uu yahay jinsiga uu ku dhashay mid ka duwan”.

Hase ahaatee xaafaddaas waxaa sannadkii 2016-kii magaceeda laga dhigay Gaibi Nagar.

Sidoo kale xaafad ku taalla gobolka Rajasthan ee waqooyiga dalkaas waxa uu magaceedu ahaan jiray Chor Basai. Laakiin maadaama uu erayga Chor luuqadda hindiga ku yahay Tuug waxaa la baddalay magaca xaafaddaas, waxaana lagu soo koobay Basai oo kaliya.

Hase ahaatee nidaamka loo marayo in xaafad laga baddalo magaca ma aha mid sida loo maleynayo u sahlan. Waxaa laga billaabayaa dowlad goboleedka, markii lagu qanciyo in magaca uu baddal u qalmo ka dib ayaana loo gudbinayaa dowladda federaalka, oo ka gaari karta go’aanka kama dambeysta ah.

Laakiin inta aysan ku dhawaaqin go’aanka ugu dambeeya, waa iney wada tashi la sameeyaan oo ay oggolaansho ka helaan hay’adaha kala duwan ee ku shaqada leh.

Source: BBCSomali

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid