LAYAABKA

1 kalluun ah oo la kala siistay malaayiin doolar

Mid ka mid ah maalqabeenada dalka Jaban ayaa dhigay rekoor cusub ka dib markii uu Kaluun ku iibsaday lacag dhan $3.1 milyan oo doolar.

Waxa uu kaluunkani suuqa snadlaha ah ee xaraashka Klauunka oo ku yaalla caasimadda dalka Japan Tokyo.

Maalqabeenkani oo lagu naaneeso”Tuna King” oo magaciisa uu yahay Kiyoshi Kimura ayaa iibsaday kalluunkan oo dhan 278kg.

Waxa uu ninkan ku qarashgareeyay laba jibaar rikoorkii uu horey u dhigay oo ahaa sanaddii 2013 oo uu ku iibsaday $1.4milyan oo doolar.

Ganacsatada iibisa Kalluunka jumlada ah iyo milkiilayaasha shirkadda sushi ayaa qiimo badan ku bixiya Kalluunka ugu waanagsan bandhiga xaraashka Kalluunka ee la qabto billaabashada sanadka cusub.

“Waxa aan iibsaday Kalluun wanaagsan,” waxaa sidaasi uu u sheegay Mr Kimura wakaaladda wararka ee AFP.

“qiimaha waaa uu ka sareeyay intii la filayay,balse waxa aan rajaynayaa in macaamiisheena ay cuni doonaan kalluunkan wanaagsan.”ayuu intaa ku daray.

Mr Kimura ayaa ahaa nin qiimaha ugu badan ku bixiya bandhigan kalluunka oo la soo qabanayay 8 sano ee ugu dambeysay.

Maalmaha iska caadiga kalluunka noocan oo kala ah ayaa waxaa la iibiyaa $60,000.

Qiimahana aadka u sareeya ee Kalluunkan lagu iibiyay ayaa ah mid uu caan ku sii noqonayo Mr Kimura iyo shirkaddiisa sushi.

Sidoo kale waxa ay muujinaysaa in uu yaraaday kalluunka noocan ah islamarkana ururka caalamiga ah ee daryeelka duur joogta ay sheegeen in uu halis ugu jiro in uu dabar go’o.

Bandhiga xaraashka Kalluunka oo lagu qabto sanad walba caasimadda Jaban ee Tokyo ayaa ah mid ay isugu yimaadaan ganacsato iyo maalqabeen badan.Mid ka mid ah maalqabeenada dalka Japan ayaa dhigay rekoor cusub ka dib markii uu Kalluun ku iibsaday lacag dhan $3.1 milyan oo doolar.

Waxa uu kaluunkani suuqa sanadlaha ah ee xaraashka Kalluunka oo ku yaalla caasimadda dalka Japan ee Tokyo.

Maalqabeenkani oo lagu magacaabo oo lagu naaneeso “Tuna King” oo magaciisa uu yahay Kiyoshi Kimura ayaa iibsaday kalluunkan oo dhan 278kg.

Waxa uu ninkan ku qarashgareeyay laba jibaar rikoorkii uu horey u dhigay oo ahaa sanaddii 2013 oo uu ku iibsaday $1.4milyan oo doolar.

Ganacsatada iibisa Kalluunka jumlada ah iyo milkiilayaasha shirkadda sushi ayaa qiimo badan ku bixiya Kalluunka ugu waanagsan bandhiga xaraashka Kalluunka ee la qabto billaabashada sanadka cusub.

“Waxa aan iibsaday Kalluun wanaagsan,” waxaa sidaasi uu u sheegay Mr Kimura wakaaladda wararka ee AFP.

“Qiimaha waaa uu ka sareeyay intii la filayay,balse waxa aan rajaynayaa in macaamiisheena ay cuni doonaan kalluunkan wanaagsan.”ayuu intaa ku daray.

Mr Kimura ayaa ahaa nin qiimaha ugu badan ku bixiya bandhigan xaraashka kalluunka oo la soo qabanayay 8 sano ee ugu dambeysay.

Maalmaha iska caadiga kalluunka noocan oo kala ah ayaa waxaa la iibiyaa $60,000.

Qiimahana aadka u sareeya ee Kalluunkan lagu iibiyay ayaa ah mid uu caan ku sii noqonayo Mr Kimura iyo shirkaddiisa sushi.

Sidoo kale waxa ay muujinaysaa in uu yaraaday kalluunka noocan ah islamarkana ururka caalamiga ah ee daryeelka duur joogta ay sheegeen in uu halis ugu jiro in uu dabar go’o.

Bandhiga xaraashka Kalluunka oo lagu qabto sanad walba caasimadda Jaban ee Tokyo ayaa ah mid ay isugu yimaadaan ganacsato iyo maalqabeen badan.

Source: BBCSomali

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid