XIRIIRKA IYO GUURKA

Haddii Aad Calaamadahaan Ku Aragto Gabadha Way Ku Nacday (Jacaylkii Wuu Dhammaaday)

Xiriirrada oo dhan si wanaagsan uma dhammaan doonaan. Waa murugo laakiin waa xaqiiqda. Dad aad isku jeclaa ayaa mararka qaar isnaca oo isku dhaca illaa isku dhacooda uu gaaro heer furiin iyo inay kala tagaan.

Haddii aad heysato haweeney oo ay soo bandhigto astaamaha hoos ku taxan, fursadaha ayaa ah inay jaceylkii ay kuu qabtay uu dhamaaday islamarkaana aysan danaynayn xiriirka.

1. Daryeel iyo jacayl ma jiro

Markay gabadha joojiso jacaylkii ay kuu qabtay ama ay ku nacdo, waxaa meesha ka baxa dabeecaddeedii muujineysay rabitaanka iyo daryeelka. Kama walwasho waxa noloshaada heysta waxna kama galin haddii aad wax cuntay iyo haddii kale.

Dabcan waan wada ognahay inay gabadha ku weydiiso haddii aad wax cuntay waa mid ka mid ah hababka ugu sarreeya ee ay kugu tusto jacaylka ay kuu qabto.

2. Isku day ma jiro

Marka haweeneydu joojiso jacaylkaaga, ma yeelan doonto damac ah inay kuu samayso waxyaabo gaar ah, ama wax kasta oo arrintaas ku saabsan.

Ma kuula dhaqmi doonto si wanaagsan, kuma dareensii doonto in lagu jecel yahay, kuma qiimeyn doonto mana ku tusi doonto ixtiraam oo iyadu dan kama laha haddii aad dhaawacantahay iyo haddii kale.

3. Waqti dambe kuuma heyso

Haddii ay si lama filaan ah u doorbido inay kaligeed wakhti qaadato ama ay saaxiibbadeed la qaadato wakhtiyada dhammaadka toddobaadka halkii ay kula joogi lahayd sidii ay caadadu ahaan jirtay, waxay astaan u noqon kartaa inay nacday xiriirka.

Haddii ay sameyso marmarsiiyo soo noqnoqota oo ah inaysan kula joogin, waa inaad ka welweshaa.

4. Maseyrka oo dhamaada

Wax walbo ayay uga dhigneyd inay ku heshay oo aad noqotay ninkeeda laakiin hadda ma daneyso haddii aad shukaansaneyso haweeney kale ama aad la kulmeyso.

Related Articles

One Comment

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid