ARIMAHA BULSHADA

Haweeney ay lasoo gudboonaatay xaalad ah inay maqasho codadka hawenka oo kaliyah

Haweeney u dhalatay dalka Shiinaha ayaa waxaa soo wajahday xaalad deg deg taasoo ah inay maqasho codka haweenka balse aysan maqlin codka raga.

Haweeneyda oo magaceeda lagu sheegay Chen, ayaa seexatay iyadoo lalabooneysa isla markaana ay qeylo ka yeereyso dhagaheeda taasoo hurdada kazoo kacday iyadoo aanan maqlin codka saaxiibkeed.

Ms Chen, oo kasoo jeeda magaalada Xiamen, eek u taala bariga Shiinaha ayaa marka ay arrintaan ku dhacday toos u aaday isbitaalka iyadoo dhaqtarka uu ku wareeray xaaladdeeda.

Warbaahinta dalka Shiinaha ayaa sheegay in dhaqaatiirta ay isku dayeen inay ogaadaan xaaladdan layaabka leh ee soo wajahday haweeneyda ee ah inay maqleysa codka dumarka oo kaliya.

Dhaqaatiirka ayaa sheegay in haweeneyda ay lumisay qeyb kamid ah maqalka, iyagoo tilmaamay in cudurkaan uu saameeyo 13,000 boqolkiiba hal qof.

Waxay intaas ku dareen in walaac uu kaalin ka geystay xaaladdaan.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in haweeneyda ay maqleyso cod kasta oo haween ah sida ay shaacisay haweeney dhaqtarad ah oo daaweyneysay.

Dr Xiaoqing, oo ah dhaqtaradda daaweysay Ms Chen ayaa tiri: ‘ ‘Waxay awoodday inay i maqasho markii aan la hadlay, laakiin markii bukaanka dhalinyaro ah uu socday, way maqli kari weysay.’

Waxay sheegtay in maqalkeeda uu hoos u dhacay, ama ay lumisay maqalka, taasoo sababtay inay  awoodi kari weydo inay maqasho dhawaaq dheer.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid