ARIMAHA BULSHADA

‘Ninkii damca inuu ku kufsado calaamaddan ku dhaji si ay booliska u gartaan’ (Sheeko Yaab Leh)

Dalka Japan waxaa laga soo saaray qalab looga gol leeyahay in lagula tacaalo tacaddiyada galmada ee lagu bartilmaameedsado haweenka.

Qalabkan ayaa hawenka u sahlaya inay ku shaabadeeyaan ninkii weerar noocaas ah u geysta, ka dibna wuxuu u yeelayaa calaamad qarsoon oo ay ku garan karaan booliska.

Astaantan ayaan si caadi ah ugasoo muuqaneynin gacanta qofka lagu dhajiyo.

Marka dambe ayaa iftiin madow oo uu qalabkaas laftiisa leeyahay loo adeegsan karaa in si toos ah loogu arko astaanta.

Waxaa la aaminsan yahay in booliska ay u sahlanaaneyso inay gacanta ku dhigaan eedeysanaha.

Shirkadda soo saartay qalabkan ayaa sheegtay inay dooneyso sidii wax looga qaban lahaa dambiyada kufsiga.

Hase ahaatee hay’ad u doodda xuquuqda dadka la kufsado ayaa walaac ka muujisay in tiknoolojiyaddan ay dhibaato ku noqon karto dhibaneyaasha la kulmada weerarradagalmada.

Mas’uuliyiinta Shirkadda Shachihata, oo laga laga leeyahay Japan ayaa sheegay in ujeeddadoodu ay tahay in laga hor tago tacaddiyada la xiriira galmada ee ka dhaca tareennada iyo gaadiidka kale ee dadweynaha dhexdooda.

Afhayeen u hadlay Shachihata ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in qalabka ay soo saareen uu yahay “tallaabo yar oo loo qaaday in caalamka laga xoreeyo dambiyada ku saabsan tacaddiyada galmada”.

Balse haweeney u hadashay hay’adda u ol’oleysa ka hor tagga kufsiga ee England iyo Wales ayaa BBC-da u sheegtay in waxa ay ka walaacsan yihiin uu yahay in shirkadaha ganacsiga ay lacag ka raadinayaan arrimo ku saabsan dad waxyeello jinsiyeed loo geystay.

“Inkastoo aan shaki laga qabin in warshadaha qalabkan soo saaray ay wanaag ka damacsan yihiin, haddana waxaa jira dhib ku saabsan in qof walba uu dhaqaale ka faa’iidayo waxyeellada loo geysto haweenka iyo gabdhaha da’ yarta ah”, ayey tiri.

Taliska ciidamada booliska ee magaalada Tokyo, oo ah caasimadda dalka Japan ayaa sheegay in sanadkii 2017-kii oo kaliya lasoo tabiyay ilaa 2,620 dambi oo kufsi la xiriira, kuwaasoo ay ku jireen 1,750 kiis oo ku saabsan qashqashaadda laga sameeyo tareennada shacabka dhexdooda.

Maalintii Talaadada ahayd ayaa 500 oo ka mid ah qalabkaas, oo tijaabo ah lagu iibsaday muddo 30 daqiiqo ah gudaheed. Halkii qalab ayaa qiimihiisa lagu sheegay lacag ku dhow 20 doolar.

Horumarka deg degga ah ee ganacsigan laga sameeyay waxaa Telefishinka CNN u sheegay afhayeenka shirkadda.

Calaamadahan lagu reebayo dadka tacaddiyada galmada geysta ayaa noqonaya tallaabadii ugu dambeysay ee loo qaado isku dayga ku aaddan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka dumarka loo geysto ee ka dhaca dalka Japan.

Source
BBCSomali

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid