ARIMAHA BULSHADACAAFIMAADKA

5 Waxyaabood Oo Sababa Finanka Wajiga Iyo Sidaad Uga Takhalusi Karto

Finanku waa nabro yaryar oo ka soo baxa jidhka, gaar ahaan wejiga, taas oo ka dhalata waxyaabo jidhku diidayo. Finanka waa wax la dhibsado, qofna ma jecla, waxayna saameeyaan dadka da’ kasta ah, inkastoo ay ku badan yihiin dhalinyarada iyo dadka waaweyn.

Sidii aan horeyba u soo sheegay, finanka waxaa sababa waxyaabaha maqaarku diido, si aad isaga ilaaliso, waa inaad si fudud uga fogaato waxyaabaha suurtagalka ah ee jidhku dhibsanayo.

Kareemyada iyo boomaatooyinka jidhka la mariyo

Jirka bini aadamku wuxuu u dhisan yahay inuu la dagaallamo kiimikooyinka iyo jeermiska waxyeelada leh, laakiin maaha inuu wax kasta la dagaallami karo muddo fog, marka waa inaad ka taxadirtaa waxa aad isticmaaleyso oo aad marinayso jidhkaaga si aanad khatar u gelin naftaada.

Kareemada iyo boomaatooyinka jirka la mariyo waxaa lagu sameeyaa noocyo kamida kiimikooyinka iyo maaddooyinka kale. Qaar ka mid ah kuwaas, jidhkeenu si fiican ayuu u qabsan karaa oo u qaadan karaa, qaar kalena, ma awoodo. Marka jirku uusan yeelin shay, waxay muuineysaa inuu dhibsanaayo sheygaas, taas oo noqon karta finan.

Marka waa inaad ka digtoonaato kareemyada iyo boomaatooyinka jidhka ee aad isticmaashid. Haddii aad dareento in aad si lama filaan ah u bilawday finan ama ay kaaga soo bexeen kadib markaad isticmaasho alaab gaar ah oo la isku qurxiyo, waxaa laga yaabaa inaad u baahantahay inaad joojiso oo aad mid kale tijaabiso ka hor intaanay arrimuhu faraha ka bixin.

Biyo kugu filan oo aadan cabin

Biyuhu waxay muhiim u yihiin caafimaadka jidhka, ma aha oo kaliya inay caawiyaan dheefshiidka, laakiin sidoo kale waxay caawiyaan ilaalinta heerka heerkulka jidhka. Finanka waxaa sababi kara kulayl, cabbitaanka biyo kugu filan ayaa jidhkaaga ka baabi’in karta finanka.

Walaaca, qoraxda iyo galmada

Walaacu waa caafimaad darro. Wuxuu horseedi karaa dhimasho dag dag ah, laakiin taa ka sokow, wuxuu keeni karaa finan badan. Marka uu walbahaarku kugu bato, waxay u badantahay in finan badan ay ka soo baxaan idhkaaga.

Isla sidaas oo kale ayaa khuseeysa iftiinka qorraxda. Waxaa la ogyahay in kulaylku uu sidoo kale keeno finan. Iska ilaali waxyaalahaas iyo galmada xad dhaafka ah oo cilmi baarayaashu ay sheegeen in marka shahwo badan ay ka baxdo jirkaaga, ay u badan tahay in aad la kulanto finan.

Qubeyska

Si fiican inaadan isku nadiifin markaad qubeysaneysid ayaa laga yaabaa? Jidhkaaga oo aadan si wanaagsan u nadiifin ayaa la sheegay inay keeni karto finan.

Si fiican iskugu nadiifi suuliga oo si adag ha u xoqin wejigaaga markaad waxyaabaha wajiga lagu dhaqdo oo kale ama saabuun aad isticmaaleyso. Si tartiib ah u mari waxaad arki doontaa sida wanaagsan ee wejigaagu u ekaan doono.

Waxaad Cunto

Cuntooyinka ay kamidka yihiin lawska qolofta leh, subaga iyo baradhada ayaa la sheegay inay kamid yihiin cuntooyinka keeni kara inaad finan ku qaadaan hal daqiiqo gudaheed. Sababta ugu weyn ayaa ah in cuntooyinkan ay ku jiraan nooc ka mid ah aashitada taasoo kordhisa fursadaha caabuq ku dhaca maqaarkaaga.

Waxaa lagugula talinayaa inaad ka fogaato cuntooyinka noocyadan ah, oo aad isticmaasho cuntooyin badan oo ay ku jiraan maadooyinka omega-3 fatty acids, sida tusaale ahaan kalluunka. Tani waa in lagu dheellitiro isticmaalka subagga, lawska iwm oo ay ku jiraan maadooyinka omega-6 fatty acids.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid