CAAFIMAADKATALOOYIN CAAFIMAAD

Ogoow Waxyaabaha Keena Xasaasiyadda oo si fududna iskaga daweey

WAA MAXAY XASAASIYAD?

Xasaasiyadda waxa ay dhacdaa marka habka difaaca jirka ay walax shisheeye ah soo gasho oo caadi ahaan waxyeello u lahayn jidhka,

balse difaaca jirka uu umaleeyo walaxdaas mid dhib ku ku ah jirka sidaasna uu ula diriro,

Dabadeed dagaalkaas uu difaaca jirku qaadey ayey ka dhashaan inta badan calaamadaha xasaasiyada ee aad aragtàan.

CALAAMADAHA XASAASIYADA.

– Cun-cun sanka iyo indhaha ah.

-duuf kulul iyo ilmo kulul.

– Jirka oo ku cun-cuna,xoqma oo dhiiga

– Nabro yar-yar oo guduud ah oo maqaarka kaasoo yaaca oo cun cun badan bararna leh.

– Barar sanka carabka iyo indhaha ah.

– hindhiso ama neefta oo ku dhibta.

– qufac saaid ah mararka qaar.

MAXAA SABABA XASAASIYADDA?

Cilmi-baadhayaashu Ma caddeen wali sababta habka difaaca jidhku uu u sababo fal-celin xasaasiyad leh marka walxaha caadiga ah ee aan khatarta lahayn ay soo galaan jidhka.

Xasaasiyaddu qayb ka mid ah ayaa la socota hiddo-wadayaasha waalidiinta. Tani macnaheedu waxaa weeye waalidiinta ayaa u gudbin kara carruurtooda xasaasiyadda.

Xasaasiyad gaar u ah waalidiintada kama dhaxli kartid Tusaale ahaan, haddii hooyadaadu xasaasiyad ku leedahay Digirta, macnaheedu maahan inaad adna digirta ay qasab tahay in aad xasaasiyad ku yeelato balse waxyaalo kale ayaad xasaasiyad ku yeelan kartaa oo aad ka dhaxli kartaa.

WAXYAALAHA UGU CAANSAN OO KICIYA.

1= CAYAYAANKA: Qaniinyada kaneecada,in aad caaro taabato ama baran-baro.

2=CUNTADA: Hilibka kaluunka, looska, caanaha,digirta,ukunta iyo qaar kale oo badan.

3=DAAWADA: sida Penicillin ama sulfa iyo qaar kale.

Qof walbana xaasaasiyada waxaa ku kiciya shey ama dhowr shey oo kuwaan kamid ah,

Waana muhiim qofku in uu ogaado waxa ku kiciya xasaasiyada si uu uga dheeraado.

DAAWADA XAASAASIYAD.

Habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo xasaasiyadda waa in laga fogaado wax kasta oo kugu kicinaya xasaasiyad, Haddii aysan suurtagal ahayn, waxaa jira fursado daaweyn ah oo la heli karo.

Daawada xasaasiyadda waa in laxiraa dheecaanka histamine oo ah kan kiciya xasaasiyada si dheecaankaas loo xirana waa in la qaataa daawada antihistamines ka ah.

SIDEE ADIGA OO XAAFADAADA JOOGA AAD ISKAGA DAAWEYN KARTAA XASAASIYADA?

1= MOOSKA

moosku waxa ku jirta maado layiraahdo antioxidant taas oo aad faa’iido ugu leh in ay baabi’iso dhamaan bararka iyo nabarada ay keentey xasaasiyadu.

Sidoo kale waxaa ku jirta patashiyum oo isku dheeli tireysa biyaha dhecaanada jirka ay saameysey xasaasiyadu.

Hadii aad cun-cun faro badan maqaarka ku leedahay soo qaado diirka mooska kadib si fiican ugu xoq meelaha ku cun-cunaya ama nabarada iyo bararka leh.

2= CABITAABKA LIINTA.

In aad cabto mar walba cabitaan liin rasiin ah ayaa kaa caawineysa in aad ka hortagto xasaasiyada jirka,

Kumiiro galaas barkiis oo biyo ah liinta kuna darso qaado malab ah cabna aroor walba.

Taas ayaa ka hortag u ah xasaasiyada daawana u ah jirkana kasaari doonta sunta.

3= SANJABIISHA

Sanjabiisha waxa ay qani ku tahay Antihistamin oo awood u leh in ay xir-xirto unugyada Soo saaraya Histaminta kicisa xasaasiyadda

Ku isticmaal sanjabiisha in aad shaah kulul ku darsato dabadeed aad cabto ama caadi aad u ruugto oo aad cunto maalin walb.

4= BABAYGA

Hadii aad xasaasiyad jirka ah leedahay iyo cun-cun siyaado ah babaygu waa daawo muhiim ah oo aad ku raysan karto hadaad isticmaasho,

Soo qaado babayga si fiican u mar-mari meelaha aad xasaasiyada ku leedahay daawo wanaagsan oo aad ku raysan karto ayuu leeyahay babaygu.

5= TOONTA

Toontu waxay hormarisa difaaca jirka sidoo kale waxa ay koontaroosha elerjiga waxayna daawo utahay caabuqyada kala duwan,madax xanuunka iyo Hindhissada.

Xoogaa toon ah iyo caano isla kululeyso kadib cab maalin walba inta aad ka caafimadeyso.

4= CABIDDA BIYO BADAN

Hadii aad leedahay xasaasiyada waa in aad cabtaa biyo badan maalin walba waxay kaa caawinayaan biyaha badan jirka in laga qashin saaro sunta iyo waxyaalaha xasaasiyada kicinaya,waxayna dheeli tiraayaan caafimaadka jirkaada iyo murqaha.

Maalin walba isticmaal ku dhawaad 2 liitar oo biyo ah ama kabadi.

TALLO

Hadii mid kamid ah daawadan aan idiin soo xusey aad markaad isticmaasho aad xasaasiyad ka sii qaado amaba aad horey u ogeed midkood in aad xasaasiyad ku leedahay fadlan iska jooji.

Xanuunkan daawadiisa ugu muhiimsan waa in inta aad ogaato waxa kugu kiciya xasaasiyada aadna ka dheeraataa waxyaalahaas.

W/Q: Dr Mohamed Amen

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid