XIRIIRKA IYO GUURKA

4 Waxyaabood Oo Haweeney Kasta Ay U Baaahantahay Si ay Daacad Ugu Ahaato Ninkeeda

Si fudud ayaa haweeney uga dhigi kartaa mid ku jecel, balse dadaal dheeraad ah ayay u baahantahay inaad ku ilaalisid dareenkaas iyo jacaylkaas muddo dheer, daacadnimada ma ahan wax lacag lagu iibsado waa dadaal aad galisid guurkaaga si lamaantaada aad uga dhigtid mid faraxsan.

Afartaan waxyaabood ayaad u baahantahay si lamaantaada aad uga dhigtid mid daacad kuu ah.

Kalsooni

Daacadnimada lacag la’aan ma ahan; qaababka aad ku sameyn kartidna waxay tahay in lamaantaada aad tustid inaad si buuxda ugu kalsoontahay isla markaana aad u qalantid qof daacad loo noqdo.

Haweenka waxay dabeecadaha qaar kala mid yihiin ragga, waxayna jecelyihiin in daacad loo noqdo laguna kalsoonaado, ha u sheegin haweeney inaad maanta jeceshahay oo berrina yeysan kugu arkin haweeney kale haddii kale waxaad siisay sabab ay kaaga shakiso, daacad u ahaaw oo kalsooni ku qab.

Dareensii inay tahay qof loo baahanyahay

Sidee u dareensiisaa inay tahay qof loo baahanyahay? Si maalinle ah inaad u tustid sida ay muhiim ugu tahay noloshaada, wac oo farriin u dir marka aad awoodid, u tag marka ay kuu baahantahay, mudnaan sii farxadeeda, mararka qaar wax badan uma baahnid, umuuji kaliya in dadaal aad ku bixineysid ilaalinteeda iyo la joogeeda.

Dulqaad u muuji

Waa inaad fahamtaa tan, haweenka dabeecad ahaan waa Samir laawayaal, marka waxaa lagaaga baahanyahay inaad u samirtid, kaama fuqeyso hadeey aragto inaad diyaar u tahayinaad ugu samirtid qaladaadkeeda, kuma dhahaayo waa inaad wax walbo oo qalad ah aadka yeeshid, balse xoogaa u dulqaado ogoow dulqaadku dhaawac ma keeno, haweenka taas aaad ayay u qiimeeyaan.

Hammi tus

Wax kasta lacag ma ahan, balse haweeneyda waxay dooneysaa inay ogaato inaad tahay qof noloshiisa meel u jiheeyay, u muuji inaad leedahay hammi, tusi inaad tahay horusocod guul raba, tusi inaad qoshe iyo ujeedo leedahay dabadeed iyadaa kugu taageeri doonta qorshahaaga.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid