XIRIIRKA IYO GUURKA

9 Calaamadood Oo Lagu Garto Inaad Ku Jirto Xiriir Ku Dhisan Jacayl Dhab Ah

Xidhiidhka jacaylka ku dhisan waa xidhiidh run ah. Jacaylku been ma sheego. Markaad jacayl ku jirto ama qof aad jeceshahay, ficiladaada ayaa muujinaya.

Halkan ka akhriso 9 calaamadood oo muujinaya in qofku ku jiro xiriir ku dhisan jacayl dhab ah.

Waxbaad bixisaa adigoo aanan fileyn badal

Xiriirka uu jiro jacayl dhab ah, dadku waxay wax ku bixiyaan si niyad ah. Wax ma bixinaysid adigoo leh ujeedo ah inaad qoka waxaad siisay badalkooda aad ka hesho.

Farxad aan kala go ‘lahayn

Waxa aad ogtahay in aad ku jirtd xidhiidh leh jacayl dhab ah markaad aragtid lamaanahaaga oo kugu iftiiminaysa dhoola cadeyn, si kasta oo ay maalintaadu u adag tahay ama aad xaalad adag ugu jirtaan.

Waxbadan uma careysnaaneydid

Qof kastaa wuu xanaaqaa oo wuxuu dareemaa dhaawac, waa dabiici. Si kastaba ha ahaatee, way adag tahay inaad waqti dheer u careysnaato qof aad runtii jeceshahay sababtoo ah waad tabeysaa ama waad u xiiseysaa qokaas. Dabcan, inaad waqti dheer u careysnaato waxay sidoo kale ka dhigan tahay in aad dhaawacayso.

Nafhur

Jacaylku waa naf hurid iyo isutanaasul. Markaad qof jaceshahay, waxaad had iyo jeer diyaar u tahay inaad ka tagto shay muhiim ah haddii uu ka dhigayo lammaanahaaga mid faraxsan.

Wanaagga oo lagu dadaalo

Xiriirada waara waa kuwa ay lamaanayaashu muujiyaan dadaal ay isku dayayaan in ay iswanaajiyaan, oo ay naftooda hagaajiyaan si ay u wanaajiyaan xiriirkooda. Marka tani ay ka maqan tahay dhinacaaga ama keeda, waxaa laga yaabaa inaysan jacayl ahayn.

Ma dhaawaceysid

Ujeedadu waa in aad lammaanahaaga ka dhigto mid ka farxad badan sidii uu ahaan jiray ama ay ahaan jirtay ka hor inta aanad la kulmin, markaa ma samayn kartid wax dhaawacaya.

Ilaalinta ballamahaaga

Way fududahay in ballan qaad la sameeyo oo aanan laga soo bixin ama lagu guuldareysto, laakiin ma aha mid adag marka aad qofka jaceshahay. Tani dabcan, maaha oo kaliya daacadnimadaada, laakiin sidoo kale waxay khuseysaa ilaalinta farxadda lamaanahaaga.

Qeyb ayuu ka yahay noloshaada

Waxaa laga yaabaa inaad rabto inaad wax walba ku koobto naftaada mararka qaarkood, laakiin markaa, waxaad sidoo kale fahansantay in qofkani uu noqday qayb adiga kaa mid ah, si uu dusha kuugu sii saarnaado waxaad ka qeyb dhigaysaa qorshayaashaada.

Xanuunkiisa waa xanuunkaaga

Ma jeclaan kartid qof uusan ku dhibeyn xanuunkiisa. Marka uu niyad absanyahay adigana waala niyadabeysaa, marka uu faraxsan yahay, sidoo kale waxaad la wadaagtaa farxadaas.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid