XIRIIRKA IYO GUURKA

Jacayl Abid Ah: Sifooyinka Haddii Qofka Aad Xiriirka Leedihiin Uu Waligiis Ku Jeclaan Doono

Marka aad jacayl ku jirto ama wax jeceshahay, ma rabtid in uu dhammaado. Runtu waa tan. Dumar badan (xitaa ragga), had iyo jeer waxaa jira dareen ammaan darro ah oo ku dul wareegaya hareerahaaga sababtoo ah ma hubtid ilaa inta waxa aad la leedahay lammaanahaaga ay sii jiri doonaan, ama haddii uu si daacad ah kuula sii joogi doono ruuxaas sida ay dadku yiraahdaan.

Hagaag, sidoo kale aad ayey suurtogal u tahay in lagu ogaado calaamadaha qaarkood, haddii qofka aad la socoto ama xiriirka leedihiin uu waligiis ku jeclaan doono. Waa kuwan qaar ka mid ah.

Wuxuu muujiyaa dadaal

Miyuu daneeyaa waxyaalaha adiga ku saameeya (haddii ay wanaagsanyihiin iyo hadeey xunyihiinbo), mise waa nooca naftiisa oo kaliya daneeya? Ninka sida dhabta ah kuu daneeyaa had iyo jeer way u furan tahay inuu ku caawiyo labada wakhti ee adag iyo wakhtiyada wanaagsanba, waligiisna ma raadin doono cudur daar iyo wixii lamida.

Garab ayuu ku siiyaa mar walba

Qofka aadka kuu jecel waa uu garanayaa in aanu qofna kaamil ahayn ama uusan jirin qofaan cillad lahayn, Sidaa darteed xataa marka ay ceebahaagu ama ciladahaagu bilaabaan inay soo baxaan ama banaanka yimaadaan, iskama cararo, wuuku garab istaagaa, oo wuxuu isku dayaa inuu dhammaan kula xalliyo. Dhammaan xiriirada waxaa soo food saara dib u dhac.

Lamaanayaasha ka hadla waqtigooda adag isna kaashada waxay mar walba kasoo baxaan waqtiyadaas iyagoo dhoola cadeynaya. Nooca ninka aan raadin siyaabaha uu wax uga qabto arrimaha adag markay soo shaac baxaan, maahan mid ay dhab ka tahay inuu kula joogo.

Qaladkaaga wanaagaaga ayaa kabadan

Ninka si dhab ah adiga kuu jecel waligiis khaladaadkaaga wax weyn kama soo qaadi doono – taa beddelkeeda, wuu iska tirtiri doonaa sababtoo ah wuxuu ogyahay inay jiraan waxyaabo badan oo cajiib ah oo aad awood u leedahay inaad sameyso.

Ma yeeli doono inaad dareento xumaan ku aadan waxyaabaha kaaga dhacay sida aan ulakaca ahayn.

Wuxuu ku dareen siiyaa inaad qiimo iyo qaayo leedahay

Si daacad ah ayuu u arkaa una aaminsan yahay inaad qurux badan tahay, mar walbana wuxuu rabaa inaad dareento sidaas. Wuxuu sameyn doonaa wax kasta si uu kuu dareensiiyo inaad cajiib tahay isagoona mar walba ku xasuusin doonaa sida aad ugu weyn tahay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid