XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Arrimood Haddii Ay Sameyso Gabadha Ka Dhaqaaji Intay Waqti Hore Tahay

Dumarku had iyo jeer waa kuwo aad u kala duwan, waxay wax kasta u sameyn kartaa nin kaliya haddii ay jeceshahay ninkaas. Sidoo kale, gabadhu waxay go’aansan kartaa inay waqtiga kaa lumiso sababtoo ah kuma rabto.

Hadaba, waqtiga ayay gabadhu kaa lumineysaa haddii;

1. Waxay rabtaa inay kula kulanto markii ay rabto ama dan ay kaa leedahay

Waa farxad wanaagsan in ninku la kulmo oo uu arko gabadh uu jecel yahay wakhti kasta oo uu go’aansado inuu la kulmo. Laakiin marka ninka uu isaga kaliya dadaal ku bixiyo la kulanka gabadha uu jecelyahay balse iyada aysan wax dadaal ah ku bixin waqtiga ayay kaa lumineysaa.

Sidoo kale waxaa kamid ah calaamadaha lagu garto in gabadha waqtiga ay kaa lumineyso ayaa ah inay kula kulanto markii ay dan kaa leedahay balse ay ka meermeerto markaad ka dalbato inaad kulantaan waxayna hadhoow la timaadaa marmarsiiyo ku aadan sababta ay kuula kulmi weysay.

Had iyo jeer waa iska caadi in la ogaado tan; gabadha run ahaantii ku jecel kaama diidi doonto inaad kulantaan mar kasta oo aad ka dalbato inaad kulantaan xittaa haddii ay mashquul tahay waxay isku dayi doontaa inay hesho waqti ay kuugula kulanto. Halka gabadha aanan ku rabin ay sameyn doonto wax kasta si ay u baajiso la-kulankaaga.

Sidaa darteed, markaad ogaato inay dooneyso oo keliya inay kula kulanto maalintii ay iyadu rabto laakiin ay ka warwareegto maalintaad rabto, waxay kaa lumineysaa waqtigaaga.

2. Waxay rabtaa inaad xiriirka kaligaa wax kasta ku bixiso iyadana ay marmarsiiyo wado

Way wanaagsantahay haddii labadiinuba aad ku wada dadaashaan ood wax ku wada darsataan xiriirkiina. Marnaba ma noqon karto, in adiga ama iyada kaliya, ama hal qof uu noqdo kan wax ku biirinaya qofka kalana uu gacmaha isku laabo.

Gabar aanan ku jecleyn waligeed wax kuma kordhin doonto xittaa hal santi xiriirka. Mar kasta adiga ayay kugu tiirsantahay maadaama wax kasta aad ku bixiso xiriirka.

Ka nin ahaan waa inaad ogaataa tan intaadan daahin.

3. Kama fekerto farxaddaada

Tani waa caqabad kale oo xiriir kasta heysato. Waad aragtaa, waa inaad markasta ka fekertaa farxadeeda sida ay iyaduna uga fekerto taada; hadii kale waqtigaaga ayaad ku luminaysaa iyada.

Marka haweeney ay daneyneyso noloshaada, waxay sifiican u taqaanaa waxa kaa farxin doona. Markaad ogaato inaysan daneyneynin farxaddaada ama waxa kaa farxiya. Ogow waxay kaliya kaa lumineysaa waqtigaaga.

Gabagabadii, mararka qaar raggu waxay lumiyaan waqtigooda maxaa yeelay waxay isku qasbaan haween aan jecleyn xitaa xoogaa yar. Ka taxaddar kahor intaadan bilaabin shalaay iyo laabta oo aad garaacdo adiga oo u maleyneysa inay iyadu tahay taada, fadlan xaqiiji intaaney kaa lumin waqti badan.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid