XIRIIRKA IYO GUURKA

10 Waxyaabood Oo Aad Uga Yaabsan Karto Ninkaaga Si Qalbigiisa Kaligaa Aad U Dagto Gabaryehey

Waxaa jiraan waxyaabo badan oo udgoon ku dari kara guurka ama xiriirka kuwaasoo ay gabar waliba sameyn karto.

Waxyaabahaan ayaa waxaa kamid ah in ninkaaga aad u sameyso waxyaabo ka yaabi doona ama uusan filaneyn. Si aad u ogaato sida ay waxyaabahaan muhiim u yihiin waxaad u baahantahay inaad akhriso warbixintaan.

1. U adeeg isagoo sariirta jiifo oo cuntada ugu geey sariirta.

2. Ka caawi ama ka jar cidiyaha. Waa mid kamid ah waxyaabaha ugu wanaagsan ee aad u sameyn karto ninkaaga.

3. Isagoo aanan fileyn u wad casho. Waa mid kamid ah waxyaabaha isku soo dhoweeya lamaanaha kaana caawin kara inaad si fudud u dagto qalbigiisa.

4. U shid ciyaaraha uu jecelyahay adigana la daawo xittaa haddii aadan ka helin.

5. U diyaari dharka shaqada ama labiska uu doonayo inuu qaato xilliga uu shaqada ama meel aadayo.

6. Guriga ugu dhaaf fariimo jaceyl oo macaan. Sidoo kale qoraal ah ayaad maalin kasto ugu diri kartaa fariimo jacetl oo macaan.

7. U diyaari cunnada uu ugu jecelyahay cuntooyinka oo si wanaagsan loo diyaariyay isagoo aanan filaneyn maalintaas.

8. Waxa uu ka yimaaday shaqada isagoo daalan ama walaac uu haayo marka maxaa ka wanaagsan inaad jirka u duugtid ama u daliigtid si uu raaxo u dareemo daalka iyo waalacana ay uga baaba’aan. Waxaa hubaal ah in jacaylkii uu kuu qabay kabadan uu kuu qaadayo.

9. Ugu qubeey amaan uusan fileyn. Ku amaan wanaagiisa iyo sida uu kuu cafiyo markaad qalad sameyso ama caradaada ay kaa tan badiso.

10. Ku dhiirigali dadaalkiisa iyo sida uu howlkar u yahay. Gadaal ka riix marka uu niyadjabsanyahay adigoo u sheegaya in guushiisa ay dhowdahay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid