XIRIIRKA IYO GUURKA

6 Waxyaabood Oo Aad Dareemeyso Kaliya Markaad Hesho Lamaane Kugu Habboon

La-socoshada ama helitaanka lamaanaha saxda ah waxay ka dhigtaa xiriirka mid cajiib ah; xiriirku wuu qurux badan yahay, wuu sahlan yahay waana dhib yaryahay marka lala yeesho lamaanaha saxda ah ama kugu habboon.

Waxaa jira siyaabo gaar ah oo aad u dareemeyso inaad ku jirto xiriir sax ah ama kugu habboon.

1 – Xasilooni

Waxaad dareemaysaa nafis markaad la joogto lamaanaha saxda ah ee kugu haboon; yacni waad ku raaxaysataa oo qalbigaagu waa xasiloonyahay. Waxaa jira dareenkaas daganaanta ah oo aad dareemeyso markaad la joogto lamaanaha kugu habboon.

2 –Faham

La joogista lamaanaha kugu habboon waxay ku dareensiinaysaa inuu ku fahansanyahay dhan kasta . Fahamku waa hal meel oo muhiim ah oo ay xiriiro badani ka fashilmaan, laakiin marka lammaane sax ah oo kugu habboon aad hesho, waxaad leedahay dareenkaas fahamka ah; Labadiinaba isku bog baad tihiin, waxaana kuu fududaanaya inaad wada xidhiidhitaan.

3 – Waxaad dareentaa in lagu jecelyahay

Waxaa hubaal ah inaad dareemi doonto in lagu jecel yahay markaad la socoto ama aad hesho  lamaanaha kugu habboon . Lammaanaha kugu fiican ayaa kuula dhaqmi doona si wanaagsan, waxaa ka go’an oo uu ku tusi doonaa jacayl iyo daryeel.

4 – Waxaad dareentaa inaad muhiim tahay

Lammaanaha wanaagsan ee kugu habboon ayaa ku dareensiin doona inaad qiimo leedahay, tani waxay ku siin doontaa dareen muhiim ah. Markaad la joogto lamaanaha kugu fiican, uma baahnid inaad u dagaalanto in lagu qiimeeyo iyo in il gooni ah laguu yeesho, kaliya waxaad u ogaaneysaa qalbi ahaan in lagu jecelyahay.

5 –  Farxad iyo qanacsanaan

Waxaad dareemi doontaa farxad markaad la joogto lamaanaha kugu fiican. Waxaa jiri doona dareen qanacsanaan iyo farxad ah. Dareenka qanacsanaanta iyo farxadda ah maaha wax aad ka heli doonto xiriir kasta oo aad gasho.

6 – Go’aan

Waxaa jira dareen qoto dheer oo go’aan qaadasho markaad la joogto lamaanaha saxda ah islamarkaana aad ku jirto xiriirka saxda ah. Labadiinaba waad garanaysaan meesha aad u socotaan adinkoo sidoo kale si wadajir ah gacmaha isku qabsanaayo.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid