XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Waxyaabood Cajiiba Oo Ay Leedahay Xaaska Wanaagsan

Guurku wuxuu u baahanyahay wada shaqeyn marka aan sidaas leeyahay waxaan ula jeedaa laba lamaane waa inay dadaal geliyaan si guurku u shaqeeyo.

Xaaska wanaagsan waxay kuu ogolaan doontaa inaad ku raaxeysato nolosha guurkiina.

Waa kuwaan 5 tayo oo oo ay leedahay xaaska wanaagsan.

  1. Waxay muujisaa jacaylka ay kuu qabto

Xaaska kalgacaylka leh way ogtahay sida ay kuugu muujineyso dareenkeeda. Ma qariso dareenkeeda ama dareenkeeda kaama qariso.

Waxay tani kuugu muujin kartaa dhinkasho iyo xabad gelin iyadoo xajiijineysa inaad faraxsantahay isla markaana aad qanacsantahay.

  1. Way kula xiriirtaa

Xaaska wanaagsan way ogtahay muhiimadda ay isgaadhsiinta u leedahay guurka. Haddii xaaskaaga ay u furantahay inay kaala hadasho arrimaha muihiimka ah intay shib iska dhihi lahayd kadib waa qof aad u wanaagsan.

Haween yar ayaa og faa’idada isgaadhsiinta ay u leedahay guurka.

  1. Waxay ku dadaashaa inay kaa dhigto nin wanaagsan

Waad ogtahay inay tahay xaaskii kugu habbooneyd haddii ay ku dhibtooto inay kaa dhigto qof wanaagsan.

Waxay kula wadaagtaa fikradeheeda wanaagsan iyadoona ku siisa talooyin wax ku ool ah iyo wixii lamid ah.

Tani waa tayada haweeney sharaf leh.

  1. Waxay la dhaqantaa qoyskaaga iyo saaxiibadaa

Haddii ay xiriiriso qoyskaaga iyo saaxiibadaa kadib ma jirto waxaad uga shakiso sababtoo ah daacad ayay kuu tahay.

Xaaska wanaagsan waxay isku dayi doontaa inay si wanaagsan ula dhaqanto qoyskaaga iyo saaxiibadaa.

  1. Way ku ixtiraamtaa

Hadiyadda ugu wanaagsan ee aad haweeney ka heli karto waligaa ayaa ah ixtiraam. Haweeney ku ixtiraamta way ku jeceshahay wayna ku qiimeysaa.

Kuguma ceebeyso dadka dhexdooda mana qiimo dareyso aragtidaada.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid