XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Sababood Oo Keena In Haweenka Ay Nacaan Ragga

Sida ragga ay u nacaan ama ay uga dhaqaajiyaan haweenka ayay haweenka sidoo kale u tuuraan ragga balse in haweenyeda ay kaa dhaqaaqdo ama ku nacdo ayaa intabadan waxaa keeni kara dhowr waxyaabood.

Haweeney ayaa nin nici karta sababahan soo socda dartood.

  1. Waxaa lagu helaa markaad iyada u baahantahay kaliya

Xiriirka guuleysta waxaa kamid ah naf isuhurid iyo ixtiraam. Haddii haweeneyda ay ku jeceshahay waxay isku dayi doontaa ama ay qorsheyn doontaa inay waqti kuu hesho.

Markay ogaato inaad daneyste tahay isla markaana ay aragto inay lagu heli karo markaad dank a leedahay kaliya, way kaa dhaqaaqeysaa iyadoo raaci doonta qof kale.

Hubi inaad waqti wada qaadataan markaad firaaqo heysaan. Ha noqon daneyste la helo marka uu dan leeyahay kaliya. Iska dhig nin aqyaar ah.

  1. Dhageysi la’aan

Haweenka way jecelyihiin feejignaanta. Markaad xaqiiqsato inay hadleyso waa inaad dhageysataa. Waxaa talo wanaagsan inaad dhagaha u raariciso markii ay taas dhacdo oo aad dhageysato waxay ogaaneysaa inaad daneyneyso isla markaana aad xushmeyneyso fikirkeeda.

  1. Waxay dareentay ixtiraam la’aan

Qaar kamid ah sababaha ay haweenka uga tagaan ragga ayaa ah inay dareemaan dayacaad. Marka lamaane dareemo inuusan guurka ku heysan waxyaabaha aas aasiga ee uu uga baahnaa sida jacayl, taageero iyo in isha lagu haayo wuu ka dhaqaaqayaa guurkaas.

Dayacaadda ayaa sidoo kale ah sabab weyn oo keenta in haweenka ay qiyaano ku dhacaan. Daraasad ayaa shaaca ka qaaday in haweenka u badan ay qiyaano sameeyaan markay ragga ka waayaan baahiyihii aasaasiga ahaa ee ay u baahnaayeen ama ay dayacaan.

Sidoo kale haweenka ayaa qiyaano sameeya marka aysan guurka ku faraxsaneyn.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid