XIRIIRKA IYO GUURKA

20 Calaamadood Oo Muujinaya Inaad Ku Jirtid Guur Aan Caadi Ahayn (Waxbaa Ka Qaldan)

Qaar kamid ah tilmaamahaan hadaad ku aragto guurka, waxaad ku jirtaa guur aan caadi ahayn oo ay wax badan ka qaldanyihiin.

Hoos ka akhriso calaamadaha.

1. Guurkiinu maahan mid wanaagsan haddii lamaanahaagu uusan ku ixtiraamin.

2. Haddii lamaanahaagu uu ku raaxeysto inuu kugu jeesjeeso ama uu ku aflagaadeeyo, waxaad ku jirtaa guur aanan caadi ahayn.

3. Waxaad ku jirtaa guur aan caadi ahayn haddii lamaanahaagu ku adkeysto inaad wax u sameyso sida isaga/iyada ay rabto ama uu kaa tegayo.

4. Waxaad ku jirtaa guur aan caadi ahayn haddii aad marar badan ku qabato lamaanahaaga isagoo been kuu sheegayo.

5. Waxaad ku jirtaa guur aan caadi ahayn haddii adiga iyo lamaanahaaga uu midba kan kale eedeeyo intuu midkiin qaadan lahaa eeda.

6. Waxaad ku jirtaa guur aan caadi ahayn haddii lamaanahaagu ku qiyaano.

7. Waxaad ku jirtaa guur aan caadi ahayn haddii muranka lamaanahaaga ay isku bedelaan hanjabaado.

8. Waxaad ku jirtaa guur aan caadi ahayn haddii lamaanahaaga uu mar kasta kula barbardhigo dad kale.

9. Waxaad ku jirtaa guur aan caadi ahayn haddii lamaanahaagu u maleeyo inay fursad kuu tahay inaad hesho. Isaga/iyada ay aaminsantahay inay kaa wanaagsantahay adiga.

10. Waxaad ku jirtaa guur wax ay ka qaldanyihiin haddii lamaanahaagu marnaba uusan kuu tanaasulin.

11. Waxaad ku jirtaa guur aanan wanaagsaneyn haddii aad kalinimo dareento xittaa marka ay lamaanahaaga kula joogto.

12. Guurkiinu caadi maahan haddii adiga iyo lamaanahaaga aad mar waliba iska soo horjeesataan.

13. Kuma jirtid guur fiican haddii door bido inaad waqti la qaadato saaxiibadaa intaad waqti la qaadan lahayd lamaanahaaga. Farxad kama heshid la jooga lamaanahaaga.

14. Kuma jirtid guur caadi ah haddii aadan garab ama taageero ka helin lamaanahaaga markaad isaga/iyada u baahato.

15. Kuma jirtid guur caadi ah haddii adiga iyo lamaanahaaga aadan isku kalsooneyn.

16. Qiimo malahan guurkiina haddii lamaanahaaga wax aanan qiimo lahayn ama yar uu kasoo qaado guulahaaga.

17. Guur caadi ah kuma jirtid haddii aadan kalsooni ku qabin guurkiina.

18. Kuma jirtid guur caadi ah haddii lamaanahaaga uusan kaa dhigin inaad dareento in jirkaagu wanaagsanyahay.

19. Kuma jirtid guur caadi ah haddii lamaanahaagu kugu dhiiri geliyo wax xun isla markaana waligaa uusan kuu keenin isbedel wanaagsan.

20. Kuma jirtid guur wanaagsan haddii waxa lamaanahaagu rabo ay noqdaan inuu kuu galmoodo kaliya.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid