XIRIIRKA IYO GUURKA

Sida Xaasasku U Dhaawacaan Raggooda Iyagoo Aanan Ogeyn (3 Arrimood Iska Ilaali Gabaryahay)

Xaasaska waa udub dhexaadka qoyska iyadoo wax kasta oo ay sameeyaan ay si sahlan u burburi karaan qoyska.

Ka lamaane ahaan, waxaa la idinka rabaa inaad si wanaagsan isku barataan sidaa darteed waxaad sameyn kartaan in midba walba uusan kan kale dhaawicin.

Si kastaba, taasi ma ahan arrinta ugu weyn mar kasta maadaama ay jiraan waqtiyo xaasaska ay sameeyaan waxyaabo aysan ogeyn kuwaas oo dhaawaca raggooda.

Halkaan ka akhriso qaar kamid ah waxyaabaha xaasasku sameeyaan iyagoo aanan ogeyn ee dhaawaca nimankooda.

  1. Inaadan Ku kalsoonaan shaqada aad ninkaaga u dirtay (Shaki)

Si xiriirku u wanaagsanaado, waxaa loo baahanyahay inay kalsooni ka dhex abuuranto lamaanayaasha. Rag badan ayaa dhaawacma mar kasta oo xaasaskooda ay saadaaliyaan shaqo kasta oo ay weydiistaan inay qabtaan ama ay ku celceliyaan iyagoo ka shakisan inuusan shaqadaas qabaneyn

Maadaama xaasas badan aysan wax weyn u arki Karin arrintaan hadana inaad si isdaba joog ah seygaaga u weydiiso hal su,aal oo mid ah oo ku saabsan haddii uu qabtay howshii aad labadiina ku heshiiseen iyo haddii kale ayaa intabadan dhaawacda dareenka ragga.

Arrintaan ayaa dhacda gaar ahaan haddii ninkaaga uu goor hore kuu sheegay inuu qabtay howsha.

  1. Isbarbar dhig

Ma jiraan wax ka xun in seygaaga aad la barbardhigto nin kale. Ficilkaan ayaa intabadan dhaawaca dareenka rag badan.

  1. Mahadnaq

Ragga badankood dhaawac weyn ayaa soo gaara marka xaasaskooda aysan aqoonsan ama aysan arkin dadaalkooda.

Xaasas badan ayaa waxaa dhacda in waxyaabaha ay raggooda sameeyaan ay dhahaan maxaa iga galay waa xaq lagu leeyahay iyo waxyaabo kale iyagoo sidoo kale xittaa aanan uga mahadcelin wax kasta oo wanaagsan oo raggooda ay u sameeyaan.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid