XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Waxyaabood Oo Kaa Dhigi Kara Inaad Ninkaaga U Noqoto Gacaliso Uusan Ka Maarmi Karin

Ma jirto wax aysan haweeney sameyn karin si ay u heysato ninkeeda, sida inay naxariis u muujiso, hab dhaqan wanaagsan iyo kalgaceyl sidaa darteed haddii ay intaas nin u sameyso balse ay ku filnaan waayaan ninkaas waa nin lunsan.

Waxaa sidoo kale jiraan rag badan oo haweenkooda ka hela waxyaabahan balse wali khiyaano kula dhaqmo lamaanayaashooda hadana khubarada dhinaca arrimaha guurka iyo xiriirka lamaanayaasha waxay leeyihiin arrintaas waxaa sababa cillad dhanka dabeecadda ah oo ay qabaan haweenka.

Waxaan idiin soo gudbineynaaa 3 waxyaabood oo kaa dhigi kara inaad lama huraan u noqoto ninkaaga.

  1. Way sahlantahay in lagula dhaqmo

Haweenka aysan adkeyn in la jeclaado isla markaana dadaal badan ku bixiya xallinta dhibaatooyinka halkii ay weerari lahaayeen shaqsiyadda nimankooda ayaa intabadan soo kasbada ama soo jiita jaceylka nimankooda.

Haweeneyda noocaan ah ma ahan daneyste, malahan baahiyo xad dhaaf ah ama macquul aanan ahayn waxayna guurka ku bixisaa mid lamida dadaalka iyo tamarta aad adiga ku bixiso haddii aysan kaa badan.

Raggu aad ayay u jecelyihiin inay guryaha ugu tagaa haween noocaan ah. Waa nooca ay raggu ku tilmaamaan nabadda iyo caafimaadka maskaxdooda.

  1. Xoriyad

Marka nin uu si xornimo leh uga hadli karo dhibkiisa, marka uu muujin karo damaciisa dhanka kulanka sariirta ama raaxada iyadoo aanan lagu canaananeyn, markaad run ahaantii dareensiiso soo dhaweyn iyo qiimeyn mar kasta waxaa hubaal ah inuu ku raaxeysanayo waqtigiisa iyo noloshiisa inta ka harsan inuu adiga kula qaato.

Ma jiro nin caqligiisa ku tuuraya badweynta isla markaana iska deynaayo haweeney noocaan ah.

  1. Ku saleynta wax kasta xiriir daacadnimo, jaceyl iyo is ixtiraam

Sidaan kor kusoo xusnay, nin lunsan ayaa taas sameyn lahaa xaqiiqdiina waa murugo. Laakiin xaqiiqda waa tan; xiriir ku dhisan dareen daacadnimo, fikrado, jaceyl iyo is ixtiraam ka dhexeeya lamaanaha waa wax aanan macquul ahayn inuu jiro nin ka tagi lahaay ama wax kale ka dooran lahaay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid