XIRIIRKA IYO GUURKA

Gabaryahay Waxyaabahan Ku Xulo Ninka Aad Mustaqbalka La Wadaageysid

Gabaryahay dooro nin wnaaagsan balse ha dooran nin kasta, hoos ka aqriso 5 calaamadood oo haweeney kasta laga rabo inay ku xulato ninka.

1. Dooro nin daacad ah

Markaad dooraneyso nin, dooro nin daacad ah. Ninka daacada ah kuguma ciyaarayo. Ninka daacadda ah wuxuu ku hadlaa wax micno leh waana ka dhabeeyaa waxa uu yiraahdo. Ninka daacadda ah waa nin wanaagsan waana nin ay haweeney kasta ku qasbantahay inay doorato.

2. Dooro nin ku taageera

Markaad dooraneyso nin, waa inaad doorataa nin ku dhiiri galiya kuna taageera. Si xiriirka u guuleysto, lamanaha waxaa laga rabaa inay istaageeraan. Marka dooro nin ku taageera waxaa adigana sidoo kale lagaa rabaa inaad taageerto.

3. Dooro nin ku daryeela

Waligaa ha dooran nin aanan u naxariisan dadka kale. Nin si aanan wanaagsaneyn ula dhaqma dadka kale sidaas si lamid ah ayuu kugula dhaqmayaa adigana. Dooro nin daryeela dadka kale sababtoo ah adigana wuxuu kuu daryeeli doonaa si kadaran dadka kale.

4. Dooro nin aad aamini karto

Xiriir kasta waxaa lagu dhisaa kalsooni waana muhiim inaad dooratid nin aad ku kalsoonaan karto. Kalsooni la’aan waxaa burbura dabacsanaan iyo dulqaadka xiriika.

5. Dooro nin ku dhowra

Markaad dooraneysid nin, waa muhiim inaad doorato nin ku dhowri doona oo ku ilaalin doona. Dooro nin aanan ku oraneyn waxyaabo ku dhaawacaya. Ninka noocaas wuxuu sidoo kale kaa difaaci doonaa dadka waxyaabaha xun kaa sheega.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid