XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Waxyaabood Oo Wanaagsan Oo Xiriirka Lamaanaha Hadda U Baahanyahay

Furaha guusha guurka laamanaha waa in labada lamaane ay noqdaan kuwo diyaar u ah in xiriirka uu shaqeeyo.
Si aad uga dhigto xiriirka mid shaqeeya, waa kuwaan 5 waxyaabood oo xiriirkaaga hadda u baahanyahay.

1. Masuuliyad wadaag

Xiriir ama guur leh masuuliyad wadaag waa mid dhammeystiran iyadoo lamaanaha leh xriirka ku dhisan masuuliyad wadaaga ay ka farxad badanyihiin kuwa kale. waa qalad marka uu hal lamaan uu wax kasta sameynayo.

2. Waqtiga lamaanaha

Adiga iyo lamaantaada waxaad u baahantihiin inaad waqti wada qaadataan. Inaad waqti la qaadato lamaantaada ama lamaankaaga muhiim ayuu uyahay xriirkaaga maadaama uu lamaanaha ka caawinayo xoojinta xiriirka iyo inay xiriir wanaagsan sameystaan.

3. Kuwo isgacan qabta

Xiriirkaaga waxa uu ubaahanyahay inaad taageerto lamaankaaga halka lamaantana sidoo kale looga baahanyahay. Iska ilaali inaad noqoto mid xun oo aad raadsha fursad kasta oo uu ku liido xaaskiisa.
Ha dhaleeceyn lamaankaaga. Waa inaad noqotaan kuwo iscaawiya. Lamaankaaga waa inuu ku dhiiri geliyaa markaad niyad jabsantahay isla markaana uu ku faraxsanaadaa inuu kula wadaago marka uu guuleysto. Taageer lamaankaaga.

4. Hadafyo

Xiriirkaaga waxa uu baahanyahay hadafyo. Waxaad u baahantahay inaad yeelato hadafyo shaqsi ahaaneed iyo kuwo lamaane ahaan idinka dhaxeeya. Sameysashada hadafyo lamaane ahaan waxay idinka caawineysaa inaad ku kalsoonaataan xiriirkiina. Kalsoonida waala dhisay markaad lamaane ahaan hadafyo idiin gaara sameysataan.

5. Xoriyad Aad isku muujiso

Xiriirkaagu wuxuu ubaahanyahay xoriyadda lamaane kasta isku muujiyo. Waa inaad muujin kartaa dareenkaaga haddii aad dareento dhaawac.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid