XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Cashar Oo Muhiim Ah Oo Aad Ka Baran Karto Furriinka Xun

Waxaan idiin soo gudbineynaa 5 cashar oo muhiim ah oo aad ka baran karto furriinka xun.

1. Marnaba yeysan saaxiibadaa go’aanka kuu gooynin

Saaxiibadaa waa inaysan noqon kuwo kuu sheega inaad iska furto ninkaaga ama xaaskaaga. Qof kasta wuxuu mudanyahay in go’aankiisa uu qaato shaqana kumam lahan saaxiibadaa mustaqbalkaaga mana jiraan wax ka galay guurkaaga iyo qoyskaaga.

2. Qalbi jab daran

Xanuunka uu leeyahay furriinka xun ee aadan mudneyn isla markaana aanan la saadaalin waa mid aad u daran. Qofna uma qalmo murugo iyo niyad jab noocaas ah, run ahaantii. Xaiiqda ayaa ah in marka ay arrin noocaas ah dhacdo in labada lamaane mid kamid ah uu aad u shalaayo islamarkaana u qaato inay tahay gabagabada adduunyadiisa, tani sax maahan.
Qalbiga ayaa soo kabanaya muddo kadib. Waxaa macquul ah in furriinkaas uu saameyn xun kugu yeesho balse ugu dambeyn waad fiicnaaneysaa.

3. Ku faraxsan kalinimada

Waxaad ogaan doontaa inay wanaagsantahay inaad doobnimo ku noolaato intii aad guursan lahayd qof aanan kugu habbooneyn.
Waana cashir kamid ah casharada ugu adage ee furriinka xun laga barto. Marka uu qofka casharkaan ka barto furriinka foosha xun waxa uu qadanayaa go’aan ah inuu doobnimo iyo farxad ku noolaado intii uu guursan lahaaa qof aanan ku habbooneyn oo uu hadhoow ka shalaayn lahaa guurkiisa.

4. Fursad labaad mar kasta ma shaqeyso

Cashar kale oo furiinka laga barto, waxaad baran doontaa in dadka badankood aysan u qalmin fursad labaad. Waxaad jirtay sabab ay fursaddii hore u shaqqeyn weysay, sax ?

5. Ka fiirso qaladaadkii hore

Arrinta ugu muhiimsan ee ku quseeysa ayaa ah inaad wax ka barato qaladaadkii hore si naftaada ay mar kale u dareento diiranaanta jacaylka.
Waa inaadan laba mar ku dhicin qaladkii hore oo kale, sax?

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid