XIRIIRKA IYO GUURKA

8 Waxyaabood oo ku dhaca Xaaskaaga marka aadan Xushmeeyn

Haweenka dareen ahaan wa kuwo aad u sareeyo marka ay dareemaan xushmad darro ka dareemaan raggooda waxay taasi bannaanka keentaa diidmooyin, ficillo iyo dareen farabadan.

Sida seeyga xaaskiisa uu uga istaahilo in la xushmadda ayay xaaskana ninka uga istaahishaa inuu xushmeeyo.

Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha ku dhaca xaaskaaga marka xushmad dareysid.

Kalgacayl ma dareento

Markii haweeney uu nikeeda xushmadda ka qaado gaar ahaan marka uu joogto uga dhigo waxay dareentaa inaan la jecleyn, xushmad darrada marka ay tahay mid aanan joogsi lahayn malahan jacayl taasina waa farriinta uu nin ninka uu siiyo marka uu xushmadda ka qaado xaaskiisa.

Dhaawacyo badan oo qalbiga ah ayay ku reebtaa

Haweeneyda daremeeysa in xushmadda laga qaday si qoto dheer ayay u saameysaa, waa nabarro qalbiga uga dhaca marka seygeeda ama ninkeeda ay ka weyso wax xushmad ah waxaana hubaal ah inuu dhaawacaas ku oolayo muddo dheer.

Waxay hoos u dhigtaa qiimaheeda dumarnimo

Haweeney waxay dareemeysa qiimo darro marka uu ninkeeda xushmad darreeyo, haweeney kasta waxay rabtaa inay dareento kalgacaylka isla markaana si dhab ah loo jeclaado, marka uu ninka jecelyahay isla markaana qiimeeyo niyadda ayaa kor ah balse marka xushmadda laga qaado qalbi jab ayaa ku dhaca.

Ma dareemeyso kaalin inay ku leedahay guriga

Qiimaha ay leedahay xushmadda la siiyo haweeneyda waxay dareensiisaa sida loo qiimeeyay iyo qiimaha ay ninkeeda ugu fadhiso waxay dareemeysaa xushmad iyo in kaalin weyn ay ku leedahay guriga balse haddii aysan dareemin xushmad dabadeed waxaa u muuqaneysa inay tahay xaas aanan kaalin muhiim ah ku lahayn guurkaas.

Guurka ma noqonayo mid farxad leh

Ma xushmad darreyn kartid xaaskaaga oo waxaa muhiim ah inaad farxadeeda ilaalisid nin ahaan, xushmad ka qaadida xaaskaaga waa qaab fudud  balse waa mid aad guurkaaga ku burburineysid.

Waxaad bur burisay xiirkii guurkiina

Marka ay laamanaha isxushmeyaan midba midka kale waxaa jira dareen iskuxiran oo ka dhexeeya labada lamaane, balse marka ay xushmad daaro timaado ma jiraayo dareen dhab ah oo wada noolaasho ah waana waxa dhaca marka aad xushmad dareeysid xaaskaaga.

Waxaas abuurtay tusale xun

Waxaad tusaale xun u yagleeshay caruurtaada marka aad tahay nin aanan xushmeyn xaaskiisa, caruurta waxay wax ka bartaan ficillada waalidiinta marka haddii canugga waalidkiis uu arko waalid aanan isxushmeyneyn bal sawiro saameynta ay canuggaas ku yeelaneyso in waalidiintiisa aysan isxushmeyn.

Wax fudud ayaad uga dhigtay in adigana aysan ku xushmeyn

Xushmadda waxaa la sheegaa inay mid la isdhaafsado; xushmadda waa mid la isi siiyo lana kala helo marka haddii aanan la is xushmeyn la lama kala helaayo xushmad waxaad xaaskaaga uga dhigtay mid ku adag inay ku xushmeyso marka aadan xushmeyn.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid