XIRIIRKA IYO GUURKA

Sadexda Magac Ee Ugu Xun:- Waligaa Magacyadaan Ha Ugu Yeerin Xaaskaaga

Lamaanayaasha heysta xiriirada wanaagsan ee farxadda leh, waa kuwo si caadi ah u kaftama isla markaana iskugu yeera magacyo kala duwan xilliyada ay kaftamayaan.

Balse waxaa jira xadad ayay leeyihiin magacyadaas, magacyada qaar uguma yeeri kartid xaaskaaga.

Waa kuwaan magacyada ay tahay inaadan marnaba ugu yeerin xaaskaaga.

1. Shuluq

Haddii xaaskaaga aad ugu yeerto magacaan waxaad keensaneysaa dhibaato gabi ahaanba aad ka fogaan karto. Way ku cafin kartaa balse walaacaas iyo sameynta arrintaas ay ku yeelato waxaa laga yaabaa inaysan waligeed qalbigeeda ka bixin. Walwalka jirka muddo dheer ayuu heyn doonaa kadib markaad raali geliso.
Waxay marnaba joojin doonin inay la yaabto haddii aad haddii aad u aragto qof qurxan oo aad ka heshay, iyadoo sidoo kale marnaba aanan kalsooni ku qabi doonin jirkeeda.

2. Qiimo laay

Inaad lamaantaada ugu yeertid qiimo laay ama qof aanan qiimo lahayn waxay keeni doontaa su’aal ku aadan haddii ay muhiim u tahay noloshaada. Dhammaan wanaagii iyo waxyaabihii wacnaa ee ay sameysay shaki ayaa soo gelaya six xun ayay dhab ahaantii u dhaawici doontaa taas.
Way cafin kartaa balse miyay illoobi doontaa?

3. Foolxumo

Tani waa qalad weyn waana tan ugu daran. Ha sameynin. Yeysan caro, khilaaf iyo muran midna kugu qasbin inaad xaaskaaga sidaas tiraahdo. Gabi ahaan dhinac kasta waa qalad weyn oo aad ka gashay gabadha waana mid aysan inta ay nooshahay illoobi doonin. Waa dhaawac aysan marnaba ka bogsan doonin. Aqyaar noqo.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid