XIRIIRKA IYO GUURKA

Talooyin Kaa Caawinaya Inaad Noqoto Seey Wanaagsan Oo Xaaskiisa Ay Jeceshahay

Aabaha waa masuulka ugu sareeya qoyska waana hogaamiyaha, sidaa darteed waxaa laga filayaa waxyaabo badan oo halbowle u ah noqoshada seey wanaagsan.

Hoos ka aqri liiska waxyaabaha halboowlaha u ah noqoshada seey wanaagsan.

1.Qadarin u muuji

Qadarin u muujinta ayaa noqon karta mid fudud sida “Fadlan” iyo Mahadsanid.” Ereyadaan waxay mujinayaan qadarin gaar ahaan markaad sheekada ku dhex darto maalin waliba.

Tusaalooyinkan xilliyada qaar ee loogu muujiyo mahad celin waxaa kamid ah, markay cuntada kariso, waqti wanaagsan ay kula qaadato ama markii ay habeenkii saq dhexe u kacdo canugga yar ee ooynaya.

Tilmaamahan waa kuwo si qotto dheer u saameynaya dareenkeeda waana kuwo farxad u keenaya xiriirka.

  1. Noqo qof ku wanaagsan diinta

Xaaskaaga iyo caruurtaada ku hogaami diinta iyo u dhowaanshaha Alle (SWT). U wad masaajidka markaad awooddo oo aad firaaqo heyso.

Ka seey ahaan, u dhaqan sidii hogaamiye sidaa darteed gacanta ku heey hogaanka oo ku toosi wadada wanaagsan ee loogu dhowaanayo Ilaahay (SWT). Si wadajir ah u duceysta.

Sidoo kale caawi xaaskaaga mar kasta oo aad awooddo, la qabo howsha guriga mararka qaar caruurta ka haay gaar ahaan xilliyada ay mashquulka tahay sababtoo ah waxay xaaskaaga dooneysaa inaad noqoto seey naxariis leh. Wax walba haku dhaafin xaaskaaga.

  1. Bixi waxay u baahanyihiin

Seeyga waxaa laga doonayaa inuu qoyskiisa siiyo waxyaabaha ay u baahanyihiin gaar ahaan adeegyada aas aasiga ah.

Waa masuuliyaddaada inaad xaqiijiso in xaaskaaga iyo caruurtaada ay helaan wixii ay u baahdaan.

Sii agabyada lagama maarmaanka u ah nolosha caafimaad ee qoyskaaga.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid