ARIMAHA BULSHADANOLOSHA

Ereyadaan Waa Inaadan Waligaa Isdhihin, Ka Ilaali Naftaada

Waxaa jiraan waxyaabo qofka bini aadamka loo baahanyahy inuusan naftiisa ku oran ama uu ka ilaaliyo kuwaas oo haddii uu isku dhaho isaga dhibaato iyo dib u dhac weyn u geysanaya.

Waa kuwaan 5 waxyaabood oo aad u baahantahay inaad iska ilaaliso inaad isku sheegto haddii aad go’aansatay inaad gaarto meelo dhaadheer.

  1. “Ma sameyn karo waxaas”

Mar kasta oo aad isku sheegto ama aad naftaada usheegto inaadan sameyn Karin ama aadan wax ka guul gari Karin, waad xirtay maskaxdaada waxaana hubaal ah inaad waxaas ku guul dareysan doontid.

Si aad uga guul gaarto himilooyinkaaga, waa inaad aamintaa inaad ku filantahay ka guul gaaridda riyooyinkaaga.

  1. “Ma heysto waqti isku filan”

Ma jiro waqti yar, waxa muhiimka ah ayaa ah sida aad u qiimeyso isla markaana aad ugu kalsoonaato wax kasta oo aad rabtid inaad sameyso.

Waqti aad heysato ee kuu haray waa kugu filantahay, hadda biloow safarkaaga oo diiradda saar hadafyadaada. Ma jiro waqti yar.

  1. ” Waa goor dambe “

Marnaba lagama daaho inaad noloshaada bedesho. Isticmaal waqtiga aad heysato ama kuu haray si aad u baacsato riyooyinkaaga.

Marnaba lagama inaad sameyso waxa wanaagsan. Si taxadar leh u xulo waxyaabaha muhiimka kuu ah adigoo eegaya waqtiga kuu haray. Inaad goor dambe guuleysato ayaa ka wanaagsan inaadan waligaa guuleysan.

  1. “Nacas Ayaan ahay/ Doqon”

Doqon ma tihid sababtoo ah aqoon uma yeelan kartid wax kasta laakiin waayo aragnimada ayaa kaa caawineysa sida wax loo qabto.

Waxaad wax ka baran doontaa qaladaadka yar ama weyn ee ad sameyso. Yaanay khaladaadkaagu kaa dhigin inaad isku aragto qof doqon ah.

  1. “Iskuma filni”

Waligaa ha isdhaleeceyn adiga oo jooji inaad adiga isliido. Sideed uga fileysaa dadka kale inay ogaadaan qiimahaaga marka aadan adigu arkin qiimahaaga?

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid