ARIMAHA BULSHADACAAFIMAADKA

Saxaradaada maka ogaan kartaa inaad kansar qabto?

Deborah James, oo ah haweeney u dhaqdhaqaaqda dadka u uku dhacay xanuunka kansarka, una dhalatay dalka Britain ahna qofkii sameeyay barnaamijka BBC ee “Adiga, Aniga Iyo C-da Weyn,” ayaa geeriyootay iyadoo 40 jir ah.

Kumannaan Giniga Ingiriiska ayay u uruurisay baaritaanka kansarka ku dhaca mindhicirka.

Deborah ayaa diiradda saartay muhiimadda in la eego saxarada si loo ogaado kansarka.

Philippa Roxby, oo ah weriyaha arrimaha caafimaadka ee BBC, ayaa wax ka qortay arrimo kaa caawinaya inaad xilli hore ogaato kansarka mindhicirka weyn.

Waa muhiim inaad fiiro u yeelato calaamadahan:

  • Dhiig guduudan ama madow oo aad saxaradaada ku aragto
  • Marar badan oo aad saxaro u aaddo suuliga, saxaradu waa mid ka adag amaba ka khafiifsan sidii hore.
  • Waxaad dareentaa xanuun marka calooshaada ay barartay ayna adag tahay

Calaamadaha kale waxaa ka mid noqon kara;

  • In si degdeg ah miisaan kaaga dhaco
  • Inaad culeys ka dareento caloosha xitaa kaddib marka aad suuliga aaddo
  • Inaad dareento daal iyo diiqad

Mararka qaar kansarka mindhicirka ku dhaca ayaa saxarada ka hor istaaga inuu soo dhaafo mindhicirrada. Tan ayaa sababi karta xanuun ba’an oo caloosha hoosteeda ah iyo calool-adeyg. Kiisaska sidan oo kale ah, waa inaad degdeg ula xiriirtaa waaxaha caafimaadka.

Sidee ayaad u baareysaa saxaradaada?

Waa inaad fiiro u yeelataa saxaradaada mar walba oo aad suuliga aaddo. Mana aha inaad ka baqdo inaad hadasho.

Waxaa intaa dheer marka laga soo tago dhiig aad ku aragto saxarada, waa inaad sidoo kale eegtaa dhiig kaadida.

Waxaa laga yaabaa in isbeddel uu ku yimid aadiddaada suuliga – waxaa laga yaabaa inaad dareento inaadan sidii hore u aadin suuliga amaba ka badan aad u gasho.

Ururka Kansarka mindhicirka ee Britain ayaa ku talinaya inaad meel ku qorato calaamadaha kahor inta aadan dhaqtarka u tagin.

Dhaqaatiirta ayaa yaqaanna dad badan oo ay heystaan dhibaatooyinka mindhicirka, way yaqaannaan calaamadaha cudurkan. Marka, haka baqin inaad ogeysiiso isbeddellada ku yimid aadiddaada suuliga iyo dhiigga.

Maxaa sababa kansarka mindhicirka?

Lama oga waxa dhabta ah ee sababa kansarka mindhicirka. Balse waxaa jira dhowr arrimood oo kordhiya fursadda inuu kugu dhaco:

  • Marka ay da’daadu kororto, khatarta ah inuu kugu dhaco kansar, oo kan kaadi-mareenku ka mid yahay, ayaa kororta. Inta badan kiisaska waxay ku dhacaan dadka ay da’doodu ka weyn tahay 50 sano.
  • Inaad cunto xaddi badan oo hilibka cas iyo sausages, iyo sidoo kale hilibka la warshadeeyo sida bacon
  • Sigaar-cabidda
  • Inaad cabto aalkolo badan
  • Inaad tahay qof aad u buuran

Ma xanuun lakala dhaxlaa?

Inta badan, kansarka mindhicirka ma aha wax lakala dhaxlo.

Sidee ayaa loo yareeyaa khatarta inuu kugu dhaco kansarka?

Saynisyahannada ayaa sheegay inaad ka taxadarto caafimaadkaaga iyo qaab-nololeedkaaha ay ka hortagi karaan in ka badan kala bar suurtogalnimada in kansarka kaadi-mindhicirka kugu dhaco.

Waxaad u baahan tahay inaad jimicsi badan sameyso, cunto cunno ay ku badan tahya maaddada fiber-ka ayna ku yar tahay dufanta, aadna cabto lix ilaa siddeed koob oo biyo ah.

Saynisyahannada ayaa ku adkeysanaya in dadka ay da’doodu u dhaxeyso 50 iyo 70 uu kansar haleeli karo 10-kii sanoba.

Waa muhiim in la sameeyo baaritaanka MRI laga bilaabo da’da 40-ka.

Xitaa haddii aad da’ yar tahay, waa inaad u tagtaa dhaqtar haddii aad isku aragto calaamadahan, hana soo iibsan qalabka u qofku iskii isku baari karo oo haku tashan, sababtoo ah jawaabtu waxay noqon kartaa mid jahwareer ah, sidaas ayay dhaqaatiirtu ku talinayaan.

Kansarka mindhicirka waa la daweyn karaa, gaar ahaan haddii xilli hore la ogaado. Waxay ku xiran tahay natiijada baaritaanka, qaabka daaweyntuna waa mid shakhsi walba u goonni ah.

Siyaabo kala duwan ayaa la adeegsadaa marka la daweynayo kansarka mindhicirka, sida qalliinka iyo daawo.

Heerarka kansarka:

• Heerka koowaad – burada kansarku way yar tahay mana faafin

• Heerka labaad – burada kansarku way weyn tahay, balse weli ma faafin

• Heerka saddexaad – burada kansarku waxay ku faaftay xiidmaha ku hareereysan

• Heerka afaraad – kansarku wuxuu ku faafay qeybaha kale ee jirka.

Source
BBCSomali

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid