BURN FAT FAST: 6 Jimicsi Oo Cajiiba Oo Ka Caawinaya Inaad Si Dakhso Ah U Gubto Baruurta

Jimicsigu kuma fiicna oo kaliya ilaalinta taam ahaanshaha; waxa kale oo ay gacan ka geystaan in qofku gubo dufan ama baruur badan waxana uu kordhiyaa socodka dhiigga iyo wareegga dhiigga.
Dad badan ayaa rabaan inay si dhakhso ah u gubaan xeerta ama dufanka, laakiin ma hayaan fikrado ku saabsan sida loo sameeyo.
Waa kuwan qaar aad isku dayi karto
Push up
Noocani wuxuu ku habboon yahay ragga. Waxay ku lug leedahay isticmaalka labada suul ee suulkaaga iyo gacmahaaga si aad jidhkaaga dhulka ugu soo celiso, ka dibna, si tartiib tartiib ah jidhkaaga kor iyo hoos ugu dhaqaajiso muddo cayiman. Jimicsiga noocaan ah waa mid wanaagsan sababtoo ah wuxuu caawiyaa dhismaha xabadka, garbaha, iyo baabi’inta baruurta.
Xadhig ka bood
Xadhka ka boodka ayaa inta badan raggu u arkaan wax dumarka loogu talagalay, laakiin nimanka sidaas aaminsan malaha ma arag tababarka feeryahanada.
Xarka ka boodboodka wuxuu kaa caawinayaa inuu dhidid badan kaa timaado, sababtoo ah waa hawl aad u culus, taas oo ka tarjumaysa baabi’in badan oo xeerta ah.
Jimicsi kor loo Bood boodaayo
Kani waa jimicsi kale oo aad u fiican oo loogu talagalay gubidda ama baabi’inta baruurta lugaha iyo baruurta caloosha. Waxay ku lug leedahay inaad kor u booddo lugahaaga oo fidsan adigoo sidoo kale gacmahaaga kor u qaad qaadaya marna dainaya, waa jimicsi aad u daran oo adag.
Jimicsi lagu magacaabo “Squats”
Jimicsigaan lagu magacaabo squats, waa mid qofka sameynaya isagoo taagan sinaha ama qeybta dambe uu hoos u dhigayo kadibna uu istaagayo. Waxaad sidoo kale dooran kartaa adigoo jimicsigaan sameynaya inaad miisaan kor u qaado
Squats wuxuu ku fiican yihiin ka shaqeeynta lugaha iyo dhabta, laakiin wuxuu sidoo kale qeyb ka qaataa gubidda xeyrta jirka oo dhan maadaama aad dhidideyso.
Kor u qaadista lugaha
Kor u qaadista lugaha waa jimicsi wanaagsan oo lagu gubo baruurta iyo in si toos ah loo beegsado muruqyada caloosha.
Hadda sidaan waa qaabka aad u sameyso kor u qaadista lugaha: Ku jiifo sariirtaada jimicsiga ama dhulka, kor u qaad labadaada lugood ilaa saqafka ilaa dabadaadu ay ka qaadmato dhulka.
Lugahaaga si tartiib ah ugu soo daa dhulka ka dibna dib u celi mar kale.
Fiiro gaar ah: Lugahaagu waa inaanay taaban dhulka ilaa aad ka dhammayso layligan.
Jimicsi la yiraahdo “Sit ups”
Haddii aad raadinayso inaad gubto baruurta caloosha, waxaad u baahan tahay habkan caadiga ah. Jimicsigaan oo luuqada English-ka lagu dhaho ‘Sit Ups” waxa ka mid ah in la seexdo iyada oo labada lugoodba isla socdaan jilbahana kor loo qaadayo. Intaa ka dib, waa inaad labada gacmood dhigtaa qeybta dambe ee madaxaaga, ka dibna fadhiiso, oo marar badan jiifo ilaa aad dareento daal.